26 C
Mogadishu
Friday, November 14, 2025

Xildhibaan Mahad Salaad: “Xilka qaadista hantidhowrka waa go’aan siyaasadeysan oo lagu deg degay”

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa xalay xil ka qaadis ku sameysay hanta dhowrihii guud ee qaranka Nuur Faarax Jimcaale kadib markii lagu soo eedeeyey qodobo aad xasaasi ah oo ku aadan dilkii  ay ilaaladiisa u geysteen Allaha u naxariiste wasiirkii Howlaha Guud Cabbaas Cabdullaahi Sirajai.

Haddaba waxaa arrintaas sharci darro ku tilmaamay Mahad Maxamed Salaad, kaasoo sheegay in xil ka qaadista golaha wasiirada ay tahay mid siyaasadeysan oo lagu degdegay, isla markaana aan sharci ahayn.

Xildhibaanka ayaa qoraalkaan hoose soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Twitterka, wuxuuna tilmaamay sida hadalka gadaashiisa ka muuqato mid la yaab leh markii uu saaray Calaamadda (!) oo tilmaameyso wax la yaab leh.

Mahad Salaad waxay qaraabo yihiin Hanti dhowraha ayaa barihiisa bulshada ku faafiyey  farriimo lidda ku ah xil ka qaadistaas, inkastoo uu saaxiib dhow la yahay Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, haddana ma uusan ka gamban arrintaan, waxayna u muuqataa inuu u difaacayo hab qabiileed.

Hanti dhowrihii qaranka ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa nin aan si fiican ula shaqeyn shaqaalaha xafiiskiisa, sidoo kalana waa nin Kibir badan oo iskala weyn dowladda Soomaaliya, wuxuuna cabad ku noqon lahaa waxqabadka dowladda haddii aan xilka laga qaadi laheyn.

Inkastoo la tilmaamay in habka loo maray ay qaldan tahay, haddana marka la fiiriyo qodobada lagu soo oogay wuu mudan yahay in xilka laga qaado.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

- Advertisement -

Read more

Local News