Xildhibaan Saadaam: DF waxay Puntland ku abuurtay burcad-badeed

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Saadaam Maxamuud Cabdi oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa maanta ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aaddan xaaladda Maamul-goboleedka Puntland, gaar ahaan khilaafka culus ee u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo maamulkaasi

Xildhibaanka oo laga soo doorto deegaannada Puntland ayaa eedeymo waa wayn u jeediyay dowladda dhexe, wuxuuna sheegay inay faragelin ku sameysay xaaladda amni ee Puntland, ayna Puntland ka abuurtay kooxo uu ku tilmaamay jabhado noqday burcadbadeed.

Saadaam ayaa shaaca ka qaaday in Puntland ay qaaday tallaabooyin looga hortagayo burcadda, isla markaana ciidamada ammaanku ay gacanta ku dhigeen qaar kamid ah kooxahaasi, welina socda howlgalka lagu baacsanayo.

“Dowladda Federaalka ayaa jabhado nagu abuurtay jabhadihii qaybtii la qabtay maahee intii kale ayaa badda galay,” ayuu yiri xildhibaan Saadaam.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in ciidamadii horay looga diiwaangeliyay Puntland ay dhibaatooyin ka wadaan halkaasi, isla markaana ay isku beddeleen burcad-badeed, sida uu ku sheegay wareysi uu siiyay warbaahinta.

“Ciidamo sow lagama diiwaangelinayn Puntland? Kuwaas ayaa burcad-badeed noqday waana lala dagaalamayaa,” ayuu sii raaciyay xildhibaanku.

Eedeymaha uu jeediyay xildhibaan Saadaam ayaa kusoo beegmaya xilli ay xeebaha Soomaaliya ka jiraan howlgallo ka dhan ah burcad-badeedda, kuwaas oo mar kale qaar dib uga soo cusboonaaday qeybo kamid ah xeebaha dalka.

Si kastaba, hadalka xildhibaanka ayaa muujinaya sida uu u sii xoogeysanayo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Villa Somalia iyo Puntland, iyadoo weli ay taagan yihiin kala aragti duwanaansho ku saabsan arrimaha la xiriira nidaamka federaalka iyo qaabka loo wajahayo doorashooyinka dalka.

- Advertisement -

Read more

Local News