Xildhibaanada Ahlu-Suna oo lagu arkay fadhiga maanta ee baarlamanka Galmudug

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – In ka badan oo ka mid ah xilhibaanadii Ahlu-Sunna Waljamaaca ayaa maanta soo xaadiray kulan uu baarlamaanka cusub ee Galmudug uu ku dhageysanayey hadal-jeedinta musharaxiinta xilalka madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka dowlad goboleedka Galmdug.

Kooxda Ahlu-Sunna ayaa horey u qaadacday doorashada madaxweynaha, waxayna shalay ku dhowaaqeen liis xildhibaano oo cusub.

Xildhibaanno ku dhow 10 ayaa sheegay in ay madaxda Ahlu-Sunna ay isku afgaran waayeen shuruurdaha la hor dhigayo wasaaradda arrimaha gudaha, kadibna ay go’aansadeen in ay ku biiraan xubnaha kale ee baarlamaanka.

Caasimada Online ayaa heshay qaar kamid ah xildhibaannada ka soo muuqday kulankii maanta, waxaana ka mid ah :

1) – Xildhibaan Mahad Kilic Warsame
2) – Xildhibaan Cabdi Maxamuud Fiidow
3) – Xildhibaan Shaacir Sheegow Maxamed
4) – Xildhibaan Yaasiin Sheekh Maxamuud Sheekh Cabdiraxmaan
5) – Xildhibaan Mowliid Sheekh Cali Tahliil
6) – Xildhibaan Mahad Cabdi Xirsi
7) – Xildhibaan Axmed Maxamed Aadan
8) – Xildhibaan Xuseen Axmed Carab

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sidoo kale sheegaysa in xildhibaannadan ay dhanka dowladda Soomaaliya ka heleen ballan-qaadyo kuu aaddan in xilal looga magacaabi doono xukuumadda uu soo dhisi doono madaxweynaha lasoo dooranayo.

Ilaa afar musharrax ayaa u taagan xilka madaxweynahay Galmudug, iyada oo xilka ku-xigeenka madaxweyanahana ay u sharraxan yihiin 5 musharrax. Doorshada ayaana la filayaa inay dhacdo maalinta barri ah.

Si kastaba, marka laga reebo musharax Axmed Cabdi Qoor-Qoor, oo ah midka ay dowladda wadato, waxaa la rumeysan yahay in musharaxiinta kale ay yihiin kuwa magac u yaal ah oo isaga “u camiraya” doorashada.

Musharaxiinta mucaaradka ayaa qaadacay doorashada, ayaga oo dowladda ku eedeeyey inay awood ku afduubaneyso.