28.6 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Kulankii BFS oo fashilmay iyo xuquuqda gobolka Banaadir oo…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa maanta fashilmay kulan la sheegay inay isku arki lahaayen Xildhibaanada BFS kaasi oo lagu meelmarin lahaa Heshiiskii Doorashada Sanadkaan, kaddib markii uu muran ka dhashay diidmada maqaamka Gobolka Banaadir ee aqalka sare dalka.

Xildhibaanada qaar ayaa kasoo horjeeda in Gobolka Banaadir xubno laga siiyo Baarlamaanka Sare ee lasoo dhisi doono.

Mid kamid ah Xildhibaanada BFS ayaa xaqiijiyay in Puntland ay diiday in 7 xubnood la siiyo Gobolka Banaadir.

Xildhibaanka ayaa sheegay in sharciga doorashada uu yahay mid ku saleysan nidaam 4.5, sidaa aawgeed ay lagama-maarmaan tahay in Gobolka Banaadir lasiiyo xuquuqda aqalka sare ee dalka.

Shirka BFS ee maanta baaqday ayaa sabab looga dhigay Khilaafka ka taagan sida Gobolka Banaadir loola simi lahaa Gobolada kale ee dalka, waxaana taa diidan Xildhibaano badan iyo Maamulka Puntland oo dhinac ah.

Warar hoose ayaa sheegay in fashilka kulanka maanta ay sabab u ahaayen Xildhibaanada Beelaha Hawiye oo iyagu ku doodaaya inaan la duudsan karin xuquuqda Gobolka Banaadir, haddii ay dhacdo in la duudsadana aysan waxba kala socon doonin.

Geesta kale, waxaan la ogeyn wakhtiga uu qabsoomi doono kulanka BFS ee lagu ansixinayo heshiiskan muranku ka dhashay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News