Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka SOomaaliya ayaa go’aan cad ka qaatay doodii ka taagneyd ansixinta miisaaniyadda Dowladda Soomaaliya.
Xildhibaano gaaraya 167 Xildhibaan ayaa cod aqlabiyad leh waxa ay ku ansixiyeen Miisaaniyadda Dowladda, halka ay diieen laba Xildhibaan oo kaliya, mana uusan jirin Xildhibaan ka aamusay
Shir Guddoonka Baarlamaanka Somaliya ayaa ku dhawaaqay in Miisaaniyadda Dowladda ay tahay mid ansax ah, maadaama si aqlabiyad leh Xildhibaanada ay ku meel mariyeen, isla markaasna uu go’aankaan yahay mid waafaaqsan sharciga iyo dastuurka Soomaaliya.
Xildhibaanada ayaa loo sheegay inay jiraan duruufo adag oo hor taagan dowladda isla markaasna loo baahan yahay inay ansixiyaan miisaaniyadda si dowladda horey ugu socoto.
Xubnaha qaar ee Baarlamaanka Somaliya oo diidanaa Miisaaniyadda Dowladda ayaa markii ay qiimeeyeen duruufaha jira awgeed u codeeyay inay ogolaadeen Miisaaniyadda.
Ansixinta Miisaaniyadda Dowladda ee Baarlamaanka ay meel mariyeen ayaa uga dhigan Wasaaradda Maaliyadda guul, maadaama markii ay soo baxday miisaaniyadda buuq badan Xildhibaanada ay ka keeneen.
Go’aankaan ayaa dhabar jab weyn ku noqon doono xildhibaanadii kasoo hor jeeday ansixinta miisaaniyadaan oo dadaal dheer ku bixiyey inay ka hor imaadaan balse ugu dambeyn waa laga adkaaday.
Madaxda sare ee dalka ayaa dadaal badan ku bixiyey in Baarlamaanka Soomaaliya ansiyo miisaaniyadaan oo muhiim u ah geedi socodka dowladda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

