Xildhibaanada BF oo berri kulan yeelanaya + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida lagu shaaciyey fariin caawa loo diray Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaa berri oo Sabti ah xarunta Villa Hargeysa ka furmaya kulanka golaha.

Guddoomiyihii hore ee golaha Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo dhawaan ka haray tartankii guddoonka golaha ayaa berri xilka ku wareejinaya guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe).

Ajendaha kulanka berri oo seddax qodob ah ayaa kala ah:

1 – Hadal jeedinta Cabdisalaan Axmed Dhabancad oo ahaa Gudoomiyihii KMG ee Golaha Shacabka.

2 – Hadal jeedinta iyo xil-wareejinta Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ahaa Gudoomiyihii Golaha Shacabka ee Baarlamaankii 10-aad.

3 – Hadal jeedinta Sheekh Aadan Madoobe Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11-aad.

Kulankaan oo noqonaya kii ugu horeeeyey ee xildhibaanada golaha shacabka baarlamaankaan 11-aad ay isugu yimaadaan, iyagoo leh guddoon rasmi ah, kaas oo 27-kii ilaa 28-kii bishan lagu doortay teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.