Xildhibaannada BF oo ka tashtay DFS iyo qorshe cusub oo ay ka billaabeen magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada ka tirsan BFS ayaa wado qorshooyin ay ku qaxiijinayaan amaankooda kadib markii uu kordhay beegsiga lagu hayo.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ah Guddoomiye ku-xigeenka guddiga arrimaha gudaha iyo amniga BFS, ayaa sheegay inay wadaan qorshayaal ay ku sugayaan amaanka Xildhibaanada si aysan u dhicin falal amni darro.

Jeesow ayaa sheegay in madaxda sare ee Dowlada aysan ka jawaabin codsigoodii ahaa in lasiiyo Ciidamo ay isaga difaacaan weerarada kaga imaanaya Maleeshiyaadka Al-shabaab, waxa uuna tilmaamay inay ku dadaalayaan in iyaga ay buuxiyaan dol doleelada ay ka imaan karaan amaan darrida.

Jeesow waxa uu sidoo kale sheegay in iminka ay la ballansan yihiin ka guddi ahaan Wasiirka Amniga Xukuumadda Cabdirisaaq Cumar Max’ed si ay isula soo qaadaan sugida ammaanka Xildhibaanada.

Xildhibaan Jeesow oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in sidoo kale ay Wasiirka wax ka weydiin doonaan weerarkii Hoteel Saxafi iyo sida looga hortagi lahaa in weeraro kale ay dhacaan.

Dhinaca kale, dadaalka xildhibaan Jeesow iyo garabkiisa ayaa imaanaya iyadoo laba maalin ka hor ay kooxo hubeysan Magaalada muqdisho ku dileen Xildhibaan Max’ed Axmed Gurxan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com