Xildhibaanada BF oo walaac uu soo food saaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujiyay xaaladaha dhanka amaanka, kadib dilkii loo geystay xildhibaan Maxamed Axmed Gurxan oo kamid ahaa gudiga arimaha gudaha & federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa, oo kamid ah gudiga arimaha dibada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa walaac xoogan ka muujiyay amaankooda kadib markii ay kordheen beegsiga loo geysanayo xildhibaanada baarlamaanka.

Xildhibaanka Khadra Axmed Ibraahim oo kamid ah baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka dalbatay dowlada Soomaaliya iney xil gaar ah iska saarto sugida amaanka xildhibaanada baarlamaanka, maadaama ay ka shaqeynayaan danaha dadweynaha.

“Waxaan ka codsanayaa Dowladda iyo caalamkaba inay xaaladda Xildhibaanada si fiican ammaankooda loo ilaaliyo oo loo suggo, oo ilgaar ah lagu fiiriyo.” Ayay tiri Xildhibaanad Khadra.

Sidoo kale xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf, oo warbaaahinta la hadlay ayaa sheegay iney soo wajahday xaalad dhanka amaanka, islamarkaana amaanka magaalada Muqdisho uu faraha ka baxayo, sida uu hadalka u dhigay.

Dhankiisa wuxuu dalbaday in lala xisaabtamo dadka beegsanaya xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya.

Iyadoo xildhibaanada ay walaacaan amni muujinayaan ayaa haddana Alshabaab oo sheegtay masuuliyada dilkii xildhibaan Gurxan ayaa haddana waxay ku hanjabeen iney beegsan doonaan xildhibaanada baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com