Muqdisho (Caasimada Online) – Afar kamid ah Xildhibaannadii dhawaan iska casilay Baarlamaanka Waqooyi Bari ayaa maanta gaaray magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, halkaas oo si weyn loogu soo dhaweeyay.
Xildhibaannadan oo shaaca ka qaaday inay tanaasuleen aragtidii Soomaali wayn ayaa ugu dambeyn dib ugu laabtay Somaliland oo soo dhaweyn heerkoodu sarreeyo u sameysay.
Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa oo ay ugu horreeyaan Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Yaasiin Faratoon iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdalle Maxamed Carab (Sandheere) ayaa xildhibaannada kusoo dhaweeyay xadka labada gobol ee Maroodi Jeex iyo Gabiley, kadibna waxaa loo galbiyay caasimada Hargeysa.
Mid kamid ah Xildhibaannada iska dhiibay Somaliland oo hadal siiyay warbaahinta ayaa sheegay inay soo guryo noqdeen, wuxuuna sidoo kale shaaca ka qaaday inay soo ogaadeen in dhibaatada socoto ay ka timid dhanka magaalada Muqdisho, sida uu hadalka u dhigay.
“Runtii waxaan ogaanay in dhibaatada ugu badan ee dadkeena haysato inay uga timid Xamar, waana fiicneyd inaanu soo ogaano” ayuu yiri mid kamid Xildhibaannada lagu soo dhaweeyay magaalada Hargeysa.
Dhankeeda waxaa goobta ka hadashay Fahiima Yuusuf Quuje oo iyadana dhawaan u goosatay Somaliland, taas oo mar kale u gacan haatisay saaxibadeeda weli ku jira maamulka Waqooyi Bari oo ay ugu baaqday inay isaga soo baxaan, dibna ugu soo laabtaan maamulkooda.
“Waxaan leeyahay faanoole fari kama qodna teamkan uguma dambeynayaan waa imaan doonaan saaxibo ka badan dadka waa in loogu tegayo meeshoodii iyo gobolkoodii iyo kaxeyn doonta calanka nabadda ee Somaliland,” ayay tiri Fahiima Quuje.
Goosashada Xildhibaannadan ayaa kusoo aaday, iyada oo maanta shacabka Waqooyi Bari iyo madaxdooda ay u dabaal-degayaan Sanad-guurada 1aad ee aas aaska maamulkaasi, iyada oo si gaar ah loogu xusayo hirgelintii himiladii shacabka ee ku dhisnayd midnimo, dowladnimo iyo horumar.

