Xildhibaano isku beel ah oo isku koobay arrinta Cabdi Kariin Muuse Qalbi Dhagax

Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Somalia ayaa ka soo horjeestay hadal uu shalay saxaafadda la wadaagay Danjiraha Ethiopia u fadhiya Somalia Jamaaludiin Mustafa.

Xildhibaanada ayaa Danjiraha ku eedeeyay haddal uu sheegay oo ahaa in sii deynta Sarkaalka ONLF Cabdirkariim Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) ay ku timid codsi Ethiopia kaga yimid dowladda Somalia ee uu Hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo.

Xildhibaanadan oo haddalka Danjiraha kadib kulan yeeshay ayaa sheegay in Danjire Jamaaludiin Mustafa uu ka been sheegay xaqiiqda dhabta ah.

Waxa ay sheegen in sii deynta Qalbi Dhagax ay tahay mid u gaara dowlada Ethiopia balse madaxa ciida looga dhoorayo dowlada Somalia oo horay u gashay khalad, sida ay haddalka u dhigeen.

Xildhibaanadan waxa ay tilmaameen in Danjire Jamaaludiin Mustafa ay dowlada Somalia ka dalbatay in sii deynta Qalbi Dhagax dusha loo saaro dowlada Somalia, si looga qafiifiyo culeyska.

Waxa ay sheegen in dowlada Somalia ay la xumaatay dhiibista Qalbi Dhagax, isla markaana ay la’ dahay qaab ay uga dabaalato maadaama uu ficil ka tagay, sida ay haddalka u dhigeen.

Xildhibaanadan oo sidoo kale qoraal ku muujiyay aragtidooda ku aadan haddalka Danjire Jamaaludiin Mustafa ayaa cadeeyay in Danjiraha uu qaabka haddalka ka shabahaayo Gen. Gebra oo laga laalay Somalia.

Xildhibaanadan oo ay kamid yihiin Mahad Salaad, C/raxmaan Odawaa iyo Axmed Fiqi, isla markaana kasoo jeeda hal beel, ayaa cadaalad darro iyo danqasho la’aan ku sheegay ficilka lagu dhiibay Qalbi Dhagax iyo hanaanka ay dowlada Ethiopia u martay.

Xildhibaanada aadka u dhaliilsan haddalka Jamaaludiin Mustafa ee lagu difaacayo Dowlada Somalia kana soo jeeda halka beel ayaa noqonaaya Xildhibaano mar waliba u taagan is hortaaga dowlada Somalia, halka Xildhibaanada kale ay yihiin kuwa aan faragalin howlaha aan khuseyn.

Sidoo kale, Seddexdaan Xildhibaan ayaa arrinta Qalbi Dhagax ka hadlaayay tan iyo markii loo gacan galiyay Ethiopia waxa ayna tani su’aalo badan ka dhex abuurtay shacabka Soomaaliyeed.

Geesta kale, eeda Xildhibaanada ayaa kusoo beegmeysa xili ay dowlada Somalia dafirtay dhiibista C/kariin Qalbi Dhagax, halka Ethiopia ay ka sheegtay in deysmadeeda ay kaalin weyn ka qaadatay DFS.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid