Xildhibaano weji-gabax kala kulmay W/AMNIGA

Muqdisho(Caasimada Online) – Iyadoo ay sii kordheyso cabashooyinka kasoo yeeraya Xildhibaanada BFS ee ku aadan sugida amaankooda ayaa waxaa lasoo warinayaa in Xildhibaano ka tirsan BF ay kulan hordhac ah la qaaten Wasiirka amniga Qaranka C/risaaq Cumar.

Xildhibanada oo kulan hordhac ah la qaatay Wasiirka ayaa waxa ay kala hadleen arrimaha la xiriira sugitaanka amaankooda iyo in Wasaarada ay kawarqabto xaaladaha degdega ah ee Xildhibaanada ay xili waliba ku sugan yihiin.

Mid kamid ah Xildhibaanada ayaa sheegay in Wasiirka uu soo dhaweeyay fakirka ah in la sugo amaanka Xildhibaanada, balse waxa uu tilmaamay in wasiirka ay kala kulmeen waji ka duwan kii ay ka filaayen.

Waxa uu sheegay in Wasaaradu aysan awood buuxda u laheyn sugida guud ahaan amaanka Xildhibaanada, balse kaliya ay awoodo inay xaqiijiso amaanka goobta ay markaasi si wada jir ah ugu sugan yihiin.

Waxa uu Wasiir C/risaaq u sheegay Xildhibaanada sida kali kaliga ah ula kulmay in Wasaaradu aysan awoodin in Xildhibaan waliba ay si gaar ah u sugto amaankiisa, sababo la xiriira dhaqaalaha ku baxaaya Ciidamada iyo Gaadiidka Wasaarada ay isticmaasho oo loo kala diro howlgalo lagu baadi goobaayo Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Xildhibaanka ayaa sheegay in Wasiirka uu ka cudur daartay inuu sugo amaanka Xildhibaan waliba, waxa uuna taasi bedelkeeda ku dhiiragaliyay in Xildhibaan waliba uu dego goob la hubo amaankeeda amaba uu sameysto Ciidamo ku filan.

Xildhibaanada BFS ayaa iminka ku jira xaalad cabsi oo jahwareer ku riday, waxa ayna badankoodu yihiin kuwo aan heysan Ciidamo ku filan, halka qaarna ay yihiin kuwo aanba laheyn ilaalo.

Lama oga sida ay u xaqiijin doonaan amaankooda, bacdamaa dilkii Xildhibaan Gurxan uu ku noqday mid xasuus gaar ah galiyay.

Xafiiska Muqdisho
Caasimada Online
Caasimada@live.com