Xiriirka ka dhexeeya qaraxyada Xamar iyo dunuubta Dowladnimo

Waxaan rabaa inaan ka jawaabo su’aasha fannaaniinta Soomaaliyeed ay is weydiinayaan ee ah ‘horta yaa, waryaa, yaa, horta yaa mas’uul ka ah, war yaa qaraxa mas’uul ka ah?’. Jawaabteydu waxay ku saleysan tahay toban bilood oo cilmi-baaris ah (shan bilood sannadkii hore iyo shan bilood sannadkaan). Dad badan ayaa waxay la yaabban yihiin waxa ugu wacan qaraxyada Xamar ka socda iyo lugta ay ku leeyihiin Al-Shabaab. Laakiin, cilmi-baaristeydu waxay sahmisay run middaas ka duwan. Marka hore, waxaa is weydiin mudan maxay yihiin qaraxyada Xamar uga socda sida joogtada ah? Ogaada, waxa is qarxinaya ma ahan Al-Shabaab ee waa dad nolosha ka quustay oo u tagay Al-Shabaab, kuna yiri ‘waxaa na lagu ciqaabay magacii dowladnimo, sidaas awgeed waxaan diyaar u nahay inaan is qarxinno’. Al-Shabaabku, waxay kaddib siiyaan facilitation and training. Ragga is qarxinaya, waxaa ka dhimatay rajadii ahayd in dowladnimo suubban oo caddaalad ah laga heli karo Soomaaliya. Jidka u furan waxay u arkeen inay isku qarxiyaan meelaha dowladdu ka dhow dahay ama ay badaha ka tallaabaan oo ay ku dhintaan Mediterranean-ka. Waxay leeyihiin ‘intaan ku dhiman lahaa Mediterranean-ka, waxaan haystaa meel iiga ajar fiican oo aan isku qarxiyo oo ah Muqdisho Mall’.

Waxay ila tahay inaad maqasheen inuu bishii hore horraanteedii is qarxiyey xildhibaan ka tirsanaan jiray dowladihii Cabdiqaasin Salaad Xasan, Cabdullaahi Yuusuf Axmed iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed. Ninkaas oo la oran jiray Saalax Nuux Ismaaciil ‘Saalax Badbaado’ waxaan waagii dowladdii Cabdiqaasim Salaad ku arki jiray Hotel Ramadaan, markii dambena wuxuu joogay oo aan ku arki jiray shirkii Eldoret ee Kenya. Maxaa ugu wacan inuu is qarxiyo nin waayeel ah oo cimrigaas jooga? Miyeysan idinla ahayn inaan arrintaas ku eegno psychoanalytical lenses annagoo maskaxdeennu ay ka madax bannaan tahay the contemporary dominant dichotomy (muxaafid versus mucaarad)?

Xildhibaan Saalax Badbaado, wuxuu ahaa nin aan si fiican u garanayey. Wuxuu ahaa nin sheeko-badan oo bulshaawi ah. Wuxuu ahaa nin xikmad badan oo aysan ka caajiseynin dadka agtiisa fadhiya. Qaraxa uu is qarxiyey, wuxuu igu dhaliyey su’aalo badan. Waxaan doonay inaan jawaab u helo wixii ku kallifay inuu is qarxiyo. Waxaan markii hore dhowr jeer ku dhegeystay qolka hoteelkii Muqdisho aan ka degenaa hadalkii uu duubay intuusan is qarxin. Waxaan kaddib raadiyey qaraabadiisii iyo dad u dhowaa oo kala jooga meelo kala duwan. Waxaa ii soo baxday in Saalax Badbaado lagu dhibaateeyey dowladnimada lafteeda.

Dhab ahaantii, dowladnimadii waxay noqotay wax qowleysato ay ka taajirto, kuwaas oo aan dan iyo heelo ka lahayn mushkiladda xoogga leh ee ka taagan dalka. Dowladnimadii ay ahayd in dadka loogu adeego ayaa noqotay wax dadka lagu dulmiyo, laguna kallifo inay miciinbidaan inay amba badaha ku dhammaadaan ama is qarxiyaan. Dowladnimadii ayaa noqotay laaluush iyo lacag. Dowladnimadii ayaa noqotay munkar iyo musuqmaasuq. Dowladnimadii ayaa noqotay boob iyo dhac. Dowladnimadii ayaa noqotay kufsi iyo wasqaannimo. Waxaa dhaqan-xumadaas taageersan mid nacfi ku haysta iyo mid qabiil u weyraxsan. Waxaa diiddan mid damiirkiisu diiday iyo mid xilkuu hayey laga qaaday. Wax horumar ah oo laga gaaray ma jiraan awood-qaybsiga xukunka, kheyraadka dalka iyo xallinta khilaafka siyaasiga ah iyo kan u dhexeeya qabaa’ilka.

Haddaba, maxaan u rabnay inaan dowlad noqonno lixdankii? Maxaan u rabnay inaan qaran (l)ahaanno? Rabitaankeennu ma wuxuu ahaa in mar walba ay koox yar xukunka isku koobto oo ay ku dulmiso inta badan? In la is gumaado, in la is duleysto, kan xoogga leh madaxa uga istaago kan aan xoogga lahayn? Maxaa laga dhaxlaa dad aan aqoon lahayn marka ay horkacaan dadweynaha? Markii hormuudku gadaal uu ka maro kii ay ahayd inuu horumarka u horkaco?

Waxaa jira waxyaabo aan caqli badan iyo cilmi sare u baahnayn in la fahmo. Waxaa ka mid ah markuu nin dowladnimo sheeganaya ku yiraahdo ‘yaan lagu dilin ee iska aamus’, taas sow macnaheedu ma ahan inaysan jirin wax nidaam ah, oo waddanku uu weli ku jiro fowdo iyo dowlad la’aan, maadaama kan xoogga leh ee qoriga haysta uu u awood sheeganayo kan tabarta darran? Ma sidaas ayay Soomaaliya dowlad run ah uga dhalanaysaa? Ma sidaas ayaa lagu gaaraa horumar aadame iyo dowladnimo, mise waxaa laga dhaxlaa burbur iyo basanbaas? Mar haddii ay dadkii cabanayaan balse ay ka cabsanayaan inay kor u hadlaan, maxay tahay dowladnimada jirta, sideese u aaminayaan?

Ogaada garsoorka, caddaaladda iyo ammaanku waa isku xiran yihiin. Haddeysan caddaalad jirin, ammaan ma jirayo. Hadduusan garsoor jirin, ammaan ma jirayo. Dadweynaha Soomaaliyeed ee caasimadda ku nool kama baqaan Al-Shabaab inay xoolahooda dhacaan, laakiin ciidanka ‘dowladddu’ waxay dhacaan shacabkii masaakiinta ahaa ee ay ahayd inay nabadgeliyaan, taasna waxaa keenaysa musuqmaasuqa iyo laaluushka xadka dhaafay. Haddii aad Kenya joogi jirtay oo aad la yaabi jirtay niman boolis ah – thugs in police uniform – oo dadka baaranaya xilliga habeenkii, sidii oo kale haddii aad marto waddada dheer ee Maka Al-Mukaramah, waxaad arkeysaa ciidanka NISA iyo police-kii oo baaranaya shacab lagu sido motooyinka bajaajka ah, waxayna ka qaataan wixii ay haystaan. Nin laga dhacay wixii uu saakey shixaad ku soo helay ama soo shaqeystay, wuxuu berri subax gacan ku siinayaa Al-Shabaab inay soo weeraraan kii xalay ka dhacay quudkii uu ilmihiisa iyo xaaskiisa u siday. Qarax baa dhacay, muxuu ahaa xididkiisa yaa weli is weydiiyey? Yaa cilmi-baaris sax ah oo madax bannaan ku sameeyey?

Qarankii la doonayey inuu quudiyo dadweynaha danyartra ah mar haddii magaciisii iyaga lagu baaranayo jeebkooda oo xoolahooda lagu dhacayo, sow Ilaahey kama baryayaan inuusan qaran dambe dalkaan dib uga dhalan? Tusaale, hooyada yaanyada ku gudanaysa suuqa Xamarweyne ee ku korinaysa ilmo agoon ah oo aabbahood ay toogteen ciidanka afka duuban ee Alpha Group, waa maxay waxay Alle ka baryeyso marka loogu tago fadhigeeda ee kalshadeeda la soo baarto? Miyeysan ku qancaynin in dowladnimada la sheeganayo ay tahay wax iyada lagu dulleystay oo ninkeedii lagu dilay, xoolaheediina lagu boobay. Bishii May ee sannadkaan, waxaan ag-maray wiil darawal ah oo bajaaj ah wata oo afka xabbad laga geliyey xilli maqrib ah oo isla goobtii ku dhintay waddada dheer ee Maka Al-Mukaramah. Bal ila daawada hooyada dhallinyarada ah ee haysata ilmaha xanuunsan ee sida gardarrada ah ay ninkeedii Xamar ugu toogteen ciidan dowladeed ee aan haysan garsoor iyo caddaalad u hiilinaysa.

https://www.youtube.com/watch?v=Ehv5u5pwu7I

Waa inaan waxaas oo kale aanan ka aamusin oo ka dhiidhinnaa. Markii aan u sii socday Nigeria, waxaan sii maray oo aan haddana soo maray Nairobi. Intii aan Nairobi ku sugayey viisada Nigeria, waxaa la hadlay hay’adaha xuquuqda aadanaha sida Amnesty iyo Human Rights Watch, waxayna iga wareysteen dhaqanka dad-leyska ah ee nimanka sirdoonka ee NISA la baxay iyo tacaddiyada ay ka geystaan Xamar oo dadka ku abuurtay inay uga cabsadaan nimankaas si ka xoog badan sida looga cabsado Shabaabka. NISA waxay caado ka dhigteen ku takri-fal awoodeed (abuse of power) iyo cabburinta shacabka (suppression of society), waxayna noqdeen aalad (instrument) uu Xasan Sheekh Maxamuud u adeegsado inuu ku handado, kuna hujuumo dadka ka hor-yimaadda munkarka uu ku galayo magaca dowladeed. Waxaa intaa sii dheer in NISA qudhoodu ay dhankooda ka hujuumaan shacabka oo ay danahooda shaqsi kaga fushadaan awood aysan jirin cid ku koontaroolaysa.

Tusaale, habeen dhoweyd anigoo maraya Baarkii hore ee Jannaale iyo Carwadii hore ee Dhaaha (waa carwadii hooyadeey ay dharka ciidda iiga soo gedi jirtay xilligii Maxamed Siyaad) ayaa waxaan arkay laba nin oo NISA ka tirsan oo saaran gaari yar oo naga horreeya. Calaamadda gaariga NISA lagu garto waa inuusan taargo lahayn, Shabaabkuna sheekadaas ayay la isticmaalaan oo taargo ma lahan gawaaridooda. Markii lagu dhow yahay shineemadii hore ee Soomaaliya oo ay dhaafeen meeshii ahaan jirtay xalwadii hore ee Xaaji Ciise ayay arkeen wiil dhalinyaro ah oo wata gabar qurxoon. Gaarigii ayay joojiyeen. Gabadhii ayay qashqashaadeen. Wiilkii ayaa is hayn waayey, wuuna ka gilgishay. Waxay ula soo bexeen bistoolado iyo kaararkii aqoonsiga NISA. Kaddib wey xirteen, gaarigii ayay ku riteen, gabadhiina waa kexeysteen. Aniga iyo ilaalo ila socotay waan istaagnay, waana daawaneynay sida ay wax u dhacayaan. Wax aan ka qaban karnay ma jirin. Waxaan damcay inaan sawirro ka qaado. Waxaa nimankii ila socday igu yiraahdeen ‘nimankaan haddii ay na laayaan caawa, wax u raacanayo oo soo qabanaya ma jiraan ee please ha sameyn wax dhaqdhaqaaq ah, aan iska daawanno keliya’. Gabadha ma ogin wax lagu sameeyey, laakiin wiilka wuxuu subixii xigtay isku soo furanayaa lacag. Markuu xabsiga ay nimankaas geeyeen oo aan u maleynayo inuu yahay Baarista Xisbiga ka soo baxo, ma jirto wax sharaf ah oo uu ku noolaan karo oo aan ahayn inuu is qarxiyo.

Haddaba, sidee loo joojiyaa abuse of power, si loo yareeyo qaraxyada ka dhacaya Xamar?

W/Q: Maxamed Xaaji Ingiriis

Mohamed Haji Ingiriis wuxuu shahaadada PhD ee taariikhda iyo daraasaadka Afrika ka diyaariyaa Jaamacadda Oxford, isagoo ku taqasusaya mawduuca dowladnimada iyo qaran burburay dib u dhiskiisa. Wuxuu kaloo cilmi-baare ka yahay Jaamacadda King’s College London. Waxaa lagala xiriiri karaa: ingiriis@yahoo.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online.

Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com