Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbiga Towfiiq ayaa si adag u diiday natiijada doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee Galmudug ee uu ku dhawaaqay Guddiga Doorashooyinka Qaranka.
Xisbiga Sheekh Maxamed Shaakir ayaa ku eedeeyay guddiga doorashooyinka in uu ku tuntay rabitaanka codbixiyeyaasha isla markaana uu dhaawacay hannaanka doorashada qof iyo cod.
War-saxaafadeed uu soo saaray xisbiga ayaa lagu sheegay in natiijada la shaaciyay ay shacabka Galmudug ka qaaday xuquuqdoodii dastuuriga ahayd, isla markaana ay wiiqday kalsoonidii lagu qabay geeddi-socodka doorashada.
Xisbigu wuxuu ku dooday in habka codbixinta iyo tirinta codadka ay hareeyeen musuq iyo eex, kuwaas oo si weyn u saameeyay natiijada kama dambaysta ah.
Towfiiq ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay filayeen doorasho xor iyo xalaal ah oo ka tarjumaysa rabitaankooda, balse natiijada lagu dhawaaqay aysan waafaqsanayn xogta ay goobaha codbixinta ka ururiyeen wakiilladiisa.
Sidoo kale wuxuu ka digay in aqbalidda natiijadan ay dhaawici karto kalsoonida lagu qabo hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka mustaqbalka.
Xisbigu wuxuu ugu baaqay guddiga doorashooyinka iyo dhammaan dhinacyada ay arrintu khusayso in dib loogu noqdo natiijada lagu dhawaaqay, isla markaana dib-u-eegis madax-bannaan lagu sameeyo codadka laga kala helay tobanka degmo ee doorashadu ka dhacday, si loo xaqiijiyo in rabitaanka shacabka si sax ah loo muujiyo.
Sida uu sheegay Towfiiq, doorashada Golaha Wakiillada ee Galmudug waxaa codkooda dhiibtay 58,519 qof, halka codadka halaabay ay gaarayeen 987 oo u dhiganta ku dhowaad boqolkiiba hal. Xisbigu wuxuu ku andacooday inuu helay 53,054 cod, oo u dhiganta 53.85% codadkii la dhiibtay, taasoo uu sheegay inay siinaysay 47 ka mid ah 89-ka kursi ee Golaha Wakiillada.
Dhanka goleyaasha deegaanka, Towfiiq wuxuu sheegay inuu helay 54,064 cod, oo u dhiganta 54.87% codadkii la dhiibtay, isagoo ku dooday in natiijadaasi xaq u siinaysay 104 ka mid ah 243-da kursi ee goleyaasha deegaanka ee Galmudug.
Dhanka kale, guddiga doorashooyinka ayaa shalay ku dhawaaqay natiijada rasmiga ah ee doorashada, iyagoo sheegay in Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka uu noqday ururka ugu codadka badan, kadib markii uu helay 135,247 cod iyo 63 kursi.
Sidoo kale, guddigu wuxuu shaaciyay in ururka Towfiiq uu galay kaalinta labaad, isagoo helay 26,003 cod iyo 12 kursi. Natiijadan ayaa sii xoojisay muranka siyaasadeed ee ka dhashay doorashada, iyadoo weli la sugayo sida ay guddiga iyo dhinacyada kale uga falcelin doonaan cabashada uu gudbiyay Xisbiga Towfiiq.
Doorashooyinka Galmudug ayaa ka mid ahaa doorashooyinka qof iyo cod ee lagu dooranayay Golaha Wakiillada iyo goleyaasha deegaanka ee maamulkaas. Inkastoo guddigu ku adkaystay natiijada uu shaaciyay, haddana diidmada Towfiiq ayaa muujinaysa in muranka doorashada uu weli taagan yahay, iyadoo indhaha lagu hayo tallaabooyinka xiga ee ay qaadaan dhinacyada ay khusayso.

