Xisbiga Xasan Sheekh oo caddeeyay mowqifkiisa go’aanka Maxkamadda Sare

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP) oo ka hadlay xukunka Maxkamadda Sare ayaa shaaciyay inuu ixtiraamayo isla markaana aqbalayo xukunka maxkamadda ay ka soo saartay dacwaddii la xiriirtay doorashada Galmudug.

JSP oo ka mid ahaa ururradii siyaasadeed ee ka qayb-galay doorashadii isku-sidkaneyd ee Goleyaasha Deegaanka iyo Golaha Wakiillada ee Galmudug ka qabsoontay 30-kii July 2026 ayaa sheegay in mabaadi’diisa ay udub-dhexaad u tahay aaminsanaanta sarraynta sharciga iyo madax-bannaanida hay’adaha garsoorka.

“Mabaadi’da uu ku shaqeeyo Ururka waxaa udub-dhexaad u ah aaminsanaanta sarraynta sharciga, madaxbannaanida hay’adaha garsoorka iyo in khilaafaadka ka dhasha doorashooyinka lagu xalliyo hannaan sharci oo dastuur ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ee JSP.

Sidoo kale, JSP ayaa caddeeyay inuu intii lagu guda jiray marxaladdii doorashada uu raacay xeerarka iyo habraacyada doorashooyinka dalka, gaar ahaan doorashadii ka dhacday Galmudug.

Xisbiga ayaa sidoo kale sheegay inuu diyaar u yahay ka qayb-galka doorashooyinka ku celiska ah, isagoo xusay in uu u hoggaansami doono dastuurka, xeerarka doorashooyinka iyo xeerarka kale ee khuseeya hannaanka doorashada.

“Ururku wuxuu sidoo kale caddeynayaa inuu si waafaqsan dastuurka, xeerarka Doorashooyinka iyo xeerarka kale ee ku shaqada leh, diyaar u yahay ka qaybgalka doorashooyinka ku celiska ah ee Goleyaasha Deegaanka iyo kuwa Wakiillada ee Dawlad Goboleedka Galmudug,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.

Ugu dambeyntiina, JSP ayaa u mahadceliyay xubnihiisa, hawl-wadeennadiisa iyo shacabka reer Galmudug ee taageeray, wuxuuna ugu baaqay inay u diyaar garoobaan ka qayb-galka doorashada ku-celiska ah, iyagoo sii laba-jibaari doona dadaalkooda iyo hawl-karnimadooda.

“Ururku wuxuu idinka codsanayaa in mar labaad loo diyaar garoobo ololaha iyo ka qayb-galka doorashada ku-celiska ah ee loo balansanyahay, isla-markaaana si laban-laabaan dadaalkii iyo hawl-karnimadii ay muujiseen muddadii lagu jiray hawlaha doorashada.”

War-saxaafadeedka JSP ayaa imanaya xilli guddiga doorashooyinka qaranka ay shaaciyeen inay aqbaleen go’aanka Maxkamadda Sare, isla markaana ay qabanayaan doorasho ku celis ah, si loo saxo qaladaadkii horey u dhacay ee cabashada ka keeneen xisbiyadii ka qeyb-galay doorashooyinka.

Maxkamadda Sare ayaa 24-kii bishaan ku dhowaaqay in maxkamaddu ay laashay natiijada doorashooyinkaas, iyadoo shaaca ka qaaday in aan loo maamulin, loona qaban si waafaqsan dastuurka iyo sharciga doorashooyinka dalka.

“Maxkamaddu waxay go’aamisay in doorashooyinkii isku sidkanaa ee Golaha wakiilada iyo Goleyaasha Deegaanka ee 30-kii Luulyo ka dhacay Dowlad-goboleedka Galmudug aan loo maamulin, loona qaban si waafaqsan dastuurka iyo sharciga doorashooyinka dalka, sidaas darteedna ay tahay natiijadeeda mid aan sax ahayn oo waxba kama jiraan ah,” ayuu yiri Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Baashe Yuusuf Axmed.

Maxkamadda Sare ee dalka ayaa sidoo kale markaas amartay guddiga doorashooyinka qaranka in uu dib ugu laabto doorashooyinkii isku sidkanaa ee Galmudug, isagoo ku qabanayo waqtiga ugu dhow ee macquulka ah, taas oo uu maanta aqbalay guddiga doorashooyinka.

- Advertisement -

Read more

Local News