Xog: Abaabul dagaal oo ka socda Kismaayo iyo..

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose waxaa ka socdo diyaar garowgii ugu balaarnaa ee ka dhan ah ciidamada Alshabaab ee ku sugan gobolka Jubbada Dhexe iyo qeymo kamid ah gobolka Jubbada Hoose.

Gulufka colaadeed ayaa sii xoogeystay markii ciidamo ka socdo dowlada Ethiopia ay tageen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, si aykaga qeyb qaataan howlgalka loogu magac daray wabiga Jubba oo la qorsheynayo in dhawaan la qaado.

Xog aan helnay ayaa shegaysa in ciidamada Ethiopia ay dalbadeen iney kulamo gaar ah la qaataan saraakiisha ciidamada Dowlada iyo kuwa maamulka Jubbaland ee Deegaanada Jubbooyinka si looga wadahadlo arimaha howlgalka.

Wararka ayaa sheegaya in hogaanka maamulka Jubbaland uu u yeeray saraakiisha ciidamada maamulkiisa ee Jubbooyinka iyo Gedo waxaana ay qaarkood tageen magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha qaarkood ayaa tagaya magaalada Dhoobleey ee gobolka ee gobolka Jubbada Hoose halkaasi oo diyaarad gaar ah ay kasoo qaadi doonto iyadoo ay tagi doonaan magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose  si ay kaga qeyb galaan kulan magaalada ka dhacaya.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com