Xog: Al-Shabab oo billowday inay Zako ahaan u qaadato carruur

Ceel-Cadde (Caasimada Online) – Maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa amar kusoo rogay Odayaasha dhaqanka ku nool Degaanada Ceel-cadde iyo Ceel-gaduud ee Gobolka Gedo.

Amarkaani ayaa waxa uu kasoo baxay Wakiilka maleeshiyada u qaabilsan Gobolka, waxa uuna Odayaasha ku amray inay ka qeybqaatan dagaalka socda Bisharamadaan ee lagula jiro ciidamada Dowlada iyo AMISOM.

Odayaasha ayaa waxaa sidoo kale lagu amray in maalmo gudahooda ay ku keenaan wiilashooda si ay uga qeybqaatan weerarada Is qarxinta, fulinta dilalka, dagaalka tooska ah iyo dhigista miinooyinka.

Mid kamid ah Odayaasha oo la hadlaayay idaacadaha magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in xayaato ahaan ay u dhexeeyaan nolol iyo geeri marba haddii lagu amray inay dagaalamaan islamarkaana carruurtooda loo adeegsado ismiidaaminta.

Waxa uu yiri “Waxa ay naga dalbadeen inaan ugu deeqno carruurteena si ay ugu adeegsadaan ismiidaaminta ay ka fulinayaan goobaha Dowlada”.

Odayaasha ayaa Walaac ka muujiyay Amarka uga yimid Al-shabaab ee ah in ay keenaan Dhalinyaro is Qarxisa.

Alshbaab ayaa kordhisa weerarada ay qaadeyso Bisha Ramadaan, waxa ayna falal weeraro iyo is miidaamin la beegsataa magaalooyinka iyo xerooyinka ciidamada AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com