Xog: Awooda wasiirkii hore ee amniga qaranka ee dowladda Soomaaliya oo wali sii shaqeysa

Muqdisho (Caasimada Online):- Wararka laga helaayo xubno ku dhow Wasiirkii hore ee Wasaarada Amniga Somalia Khaliif Axmed Ereg, ayaa sheegay in Erag uu xabsi kasii daayay dhalinyaro uu horay u xiray.

Dadka uu Erag sii daayay ayaa la tilmaamay inay ahaayen dhalinyaro u xirneyd tarbiyeen kuwaasi oo ku dhawaad sanad ku xirnaa Xabsiga Dhexe ee dalka.

Erag ayaa Saraakiisha ilaalada Xabsiga u sheegay in maxaabiistaasi ay dhameysteen mudadii uu u qoondeeyay iminkana la doonaayo in Eheladooda ay dib ula midooban.

Khaliif Erag ayaa mudadii uu xilka wasiirnimo hayay xiray dhalinyaro aad u badan kuwaasi oo xarigooda lala xiriiriyay Al-shabaabnimo, halka kuwa kalane loo xiray qaab tarbiyeen kuwaasi oo Eheladooda ay usoo gacan galiyeen Erag.

Xabsiyada DFS ayaa waxaa ku jira maxaabiis kor u dhaafeysa Laba kun kuwaasi oo badi u xiran tuhuno iyo tarbiyeyn, waxa ayna dhalinyarada uu la baxay Erag ay kamid yihiin kuwa u xiran Tarbiyeynta, sida laga soo xigtay ilo ku dhow dhow Erag.

Lama oga sababta keentay in Mas’uul hore uu iminka xabsi kasii daayo maxaabiis uu goor hor xirxiray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com