Xog: Axmed Madoobe iyo Saciid Deni oo ka war helay dabin siyaasadeed uu u dhigi rabay QOOR QOOR

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Sida ay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen Caasimadda Online, mowqifkii Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ee ahaa in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban oo ay ku mideysnaayeen dhammaan madaxda maamul Goboleedyada  ayaa si lama filaan ah isku badalay kadib markii uu heshiis hoose la galay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa madaxweynaha Soomaaliya la galay heshiis ah in xilka Ra’isulwasaaraha loo magacaabo shakhsi uu isaga wato taas badalkeena uu Axmed Qoor Qoor ballan qaaday inuu madaxda Maamul Goboleedyada ka dhaadhicin doono inuu dalka aado doorasho qof iyo Cod ah si taas loo gaarana ay lagama maarmaan tahay in Dowladda hadda jirto la siiyo muddo 2 sano ah.

Heshiiska ay gaareen Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Qoor Qoor ayaa dhigaya in uu madaxweynaha Galmudug soo gudbiyo liiska shakhsiyaadka uu doonayo in loo magacaabo xilka Ra’isulwasaraha isla markaasna uu madaxweyne Farmaajo ka doorto qofka uu rabo, waxayna xogta sheegeysaa in Qoor Qoor uu gudbiyey liiska illaa 5 musharax oo kasoo jeedo Beeshiisa Habargidir.

Tan iyo markii uu Qoor Qoor heshiiskaan la galay madaxweyne Farmaajo, wuxuu bilaabay dadaal ku aadan inuu ka miro dhaliyo waxyaabihii ku qornaa heshiiska, wuxuuna shirar kala duwan la yeeshay Guddiga Farsamada doorashada oo ay ka maqan yihiin kuwa matalayey Jubbaland iyo Puntland illaa uu Xalay Dhuusamareeb kaga dhawaaqay inuu furan yahay shirkii Maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe xilli ay qaadaceen Axmed Madoobe iyo Deni.

Madaxweynaha Galmudug oo kaashanayo Dowladda Dhexe ayaa ku guuleystay in madaxweynayaasha Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed lagu qanciyo inay taageeraan qorshaha muddo kororsiga ee Dowladda Soomaaliya taas badalkeedana iyagana loo ballan qaaday in la siiyo lacago iyo in Madaxweynaha Hirshabelle laga caawiyo sidii uu mar kale xilka ugu soo laaban lahaa.

Axmed Qoor Qoor oo taleefoon kula hadlay Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa ku guuldareystay in Axmed Madoobe iyo Deni ay kasoo qeybgalaan shirka Dhuusamareeb3 taas badalkeedan ay soo saareen go’aano culus oo ay ku diideen shirkaas.

Illo wareedyo ka tirsan madaxtooyada Puntland ayaa Caasimadda Online u sheegay in Saciid Deni iyo Axmed Madoobe ay fahamsiin yihiin heshiiska ay gaareen Qoor Qoor iyo Madaxweyne Farmaajo, shirka Dhuusamareebna uu yahay shirqool siyaasadeed oo la doonayo in loo dhigo, sidaas darteedna aysan marnaba ka qeyb geli doonin shirkaas illaa laga helo Xukuumad heshiiska la galo fuliso iyo in Beesha Caalamka ay marqaati ka noqoto waxyaabaha lagu heshiinayo.

Maamul Goboleedyada Hirshabelle, Koonfur Galbeed, Galmudug, Gobolka Banaadir iyo Madaxweyne Farmaajo ayaa ku heshiiyey in shirka la furo isla markaasna laga soo saaro war murtiyeed iyo is faham ku aadan nooca ay noqon doonto doorashada dalka ka dhici doonto inkastoo uu jiro cadaadis ka imaanayo beesha Caalamka oo u aadan in shirka uu noqdo mid ay ku dhan yihiin dhammaan maamul Goboleedyada.