Xog: Axmed Madoobe oo diiday in lala kulansiiyo Barre Hiiraale

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland, ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe uu si bareer ah u diiday in lala kulansiiyo Ex Hogaamiye Kooxeed Barre Hiiraale oo iminka ku sugan dalka Kenya.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Axmed Madoobe looga yeeray magaalada Magaalada Mandheera si loola kulansiiyo Col. Barre Hiiraale oo halkaasi ku sugan, waxa uuna ka biyo diiday in kulan uu la qaato.

Axmed Madoobe ayaa la kulanka Col. Barre Hiiraale ku sifeeyay inay ula mid tahay isaga oo lala kulansiiyay Horjooge ka tirsan Al-shabaab, balse waxa uu ogolaaday in wada haddal uu la furo Saraakiisha ciidamada mareykanka ka jooga Kenya.

Axmed Madoobe waxa uu sidoo kale diiday in lagu soo hadalqaado in Col. Barre Hiiraale uu kala tashto wixii khuseeya la dagaalanka Al-shabaab, amaanka iyo sida Deegaanada Jubbaland looga tirtiri lahaa Al-shabaabka ku dhuumaaleysanaaya, waxa uuna carab dhabay in Barre Hiiraale mamnuuc ka tahay inuu yimaado tuullo ka tirsan Jubbaland.

Warar kaasi ka duwan ayaa sheegaya in arrinta Axmed Madoobe loo xilsaaray Dowlada Kenya si ay uga dhaadhiciso la shaqeynta Col. Barre Hiiraale oo uu hubeynaayo Mareykanka.

Wada xaajoodka Axmed Madoobe iyo Kenya ee ku aadan arrinta Barre Hiiraale ayaa ka dhici doona Markab ay leedahay dowlada Kenya kaasi oo yaalla Xeebaha Kismaayo, waxaana sidoo kale goobjoog ka noqon doona Saraakiil Mareykan ah oo ka howlgala Kenya.

Damaca Dowladaha Mareykanka iyo Kenya ayaa ah in wada shaqeyn ay sameeyaan Axmed Madoobe iyo Col. Barre Hiiraale oo la rumeysan yahay inaanu ka dhexeyn xiriir.

Lama oga in lagu guuleysan doono iyo in isku soo dhaweyntaasi ay noqon doonto mid fashilanta, waxaana mar waliba laga cabsi qabaa in Barre Hiiraale uu Hubkaasi kula soo laabto Jubbaland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com