Xog: Axmed Madobe oo Kenya ka dalbaday arrin halis ku ah Barre Hiiraale (Xildhibaan kashifay)

MuqdishoMuqdisho (Caasimada Online) – Mid kamid ah Xildhibaanada ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweynaha Maamulka Jubba Axmed Madoobe uu Dowlada Kenya ka codsaday doomo uu kula dagaalamo Ciidamada Col Barre Hiiraale ee ku sugan dulleedka Kismaayo.

Xogta aan Xildhibaanka ka helnay ayaa tibaaxeysa in Doonyahaasi uu Axmed Madoobe doonaayo inuu ku ciribtiro Ciidamada Barre Hiiraale ee iminka caqabada ku ah horusocodka Maamulka Jubba.

Doonyaha uu Axmed Madoobe dalbaday ayaa la tilmaamayaa inay yihiin kuwa dheereeya ee lagu xiro qoryaha, waxa uuna qorshuhu yahay mid uu Madoobe ku Siyaasadeynaayo dagaalka kala dhexeeya Ciidamada Barre Hiiraale.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa Kenya u sheegay in Barre Hiiraale uu diiwaan gishanaayo Al-shabaabka laga soo saaray Baardheere, kuwaasi oo la sheegay inay ku heeb yihiin Col Barre, sida aan xogta ku helnay.

Col Barre Hiiraale ayaa isaga caqab ku ah Siyaasada uu Axmed Madoobe ku maamulaayo Deegaanada uu maamulkiisa ka arimiyo, sababo la xiriira ballamo uu dhowr jeer uga baxay.

Dowlada Kenya oo naas nuujineyso Madaxweynaha Maamulka Jubba ayaa xooga saareysa in Ciidamada Barre Hiiraale laga saaro deegaanada ay ku sugan yihiin oo ay kamid tahay goobweyn.

Arrimahaasi is biirsaday ayaa soo dadajineysa in Dowlada Kenya ay Maamulka Jubba ku taageerto Doonyo dhanka Badda lagala dagaalamo Ciidamada Barre.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com