XOG: CC Sharmaarke iyo AXMED MADOOBE oo isla wada qorshe halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Ra’isul wasaarihii hore ee Somalia Cumar C/rashiid iyo Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ay iminka isla wadan qorshayaal cusub oo caqabad ku noqon kara Qaranimada Somalia.

Wararku waxa ay sheegayaan in qorshooyinka ay labada mas’uul isla wadaan ay kamid tahay in Dekadda Kismaayo lagu wareejiyo dowlada Imaaraadka carabta si ay uga sameyso maalgashi ka hor inta uusan dhaqan galin Heshiiska afarta dekadood oo ay kala saxiixdeen Somalia iyo Ethiopia.

Qorshayaasha labada mas’uul ay isla daadihinayaan ayaa waxaa kamid ah mashruuca dhoofinta dhuxusha in lagu wareejiyo Hay’ad laga leeyahay dalka Imaaraadka, iyadoo shaqaalaha howsha wadi doona ay noqon doonaan kuwo khaasa oo ay soo xuli doonto Jubbaland.

Cumar C/rashiid iyo Axmed Madoobe ayaa sidoo kale wada dadaal lagu doonayo in deegaanada Jubbaland laga dhaqan galiyo isticmaalka lacagaha Kenya, maadaama ay sii kordheyso diidmada lacagta Sh So.

Lacagaha Kenya ee la doonaayo in isticmaalkooda laga hirgaliyo deegaanada Jubbaland ayaa waxa uu qorshuhu yahay in isticmaalkooda laga dhigo mid xor ah, iyadoo ganacsatada iyo shacabkuba ku nool deegaanadaasi ay isticmaali karaan lacagta shilin Soomaaliga ah.

Dowlada Kenya ayaa mar sii horeysay Axmed Madoobe usoo bandhigtay in deeganada maamulkiisa laga dhaqan galiyo isticmaalka lacagaha Kenya, hase ahaatee cadaadis la saray Jubbaland ayaa xiligaa sabab u noqday in la hakiyo isticmaalka lacagta Kenya.

Kenya ayaa dooneysa in lacagteeda si caadi ah looga isticmaalo Gobolada Jubbooyinka, iyadoo haddii ay taa dhacdo sharci ahaan ay meesha ka saareyso in Goboladaasi ay leedahay Somalia.

Cumar C/rashiid iyo Axmed Madoobe, ayaa Siyaasad ahaan dhaliilsan hanaanka ay dowlada Somalia u hoggaamineyso Siyaasada Somalia, waxaana xusid mudan in labada mas’uul ay xiriir xoogan la leeyihiin dowladaha Imaaraadka iyo Kenya oo aan ku qanacsaneen isbedelada ka jira Somalia.

Sidoo kale, Imaaraadka oo ay isku dhacsan yihiin Dowlada Somalia ayaa dooneysa inay isticmaasho Cumar C/rashiid iyo maamulka Jubaland iyadoo laga faa’iideysanaayo danaha gaarka ah.

Dhinaca kale, Dowlada Somalia ayaan weli ku baraarugsaneyn halista ay labadaani mas’uul u maleegayaan Qaranka Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com