Xog: Ciidan dheeraad ah oo la geeyay hoyga A/Madoobe uu ka degan yahay Xalane

Muqdisho (Caasimada Online) – Ammaanka madaxweynaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, ayaa si aad ah loo adkeeyay shalay ilaa xalay, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan ku dhow.

Ciidanka AMISOM gaar ahaan Sector One oo ah ciidanka Uganda ee ku sugan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa ilaalo gaar ah ka haaya guriga Axmed Madoobe iyo aagga ku dhow. 

Wararka ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in ciidankii la joogay Axmed Madoobe ee AMISOM lagu soo kordhiyay ciidan kale oo gaaraya 30 ilaa 50 askari. Sidoo kale waxaa la jooga ciidankiisa gaarka ah inkastoo masuuliyada amnigiisa ay saaran tahay AMISOM. 

Arrintaan ayaa timid kadib markii shalay garoonka la isugu geeyay ciidan kala duwan oo ka socda dowladda iyo mucaaradka, taas oo qal qal gelisay amaanka garoonka islamarkaana sababtay in Axmed Madoobe uusan ka qeyb gelin aaska iyo janaasada Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi Maxamed.

Waxaa sidoo kale jirta cabsi ah inay suurta-gal tahay in ciidanka dowladda ay weeraraan Axmed Madoobe ayaga oo isku dayaya inay soo qabtaan, inkasta tani ay u muuqato mid laga badbadiyey. 

Kala shaki iyo cabsi weyn ayaa u dhaxeysa madaxda Soomaalida gaar ahaan maamul gobaleedyada qaar, mucaaradka iyo masuuliyiinta dowladda Soomaaliya, kuwaas oo isku fahmi la’ hanaanka doorasho ee Soomaaliya.