Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Khilaaf Siyaasadeedka u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Hogaamiyaha maamulka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.
Khilaafka labada Mas’uul ayaa iminka gaaray heerkii ugu xumaa waxaana la soo warinayaa in Hogaamiyaha Maamulka Hirshabelle uu qarka u saaran yahay inuu ku biiro Garab Siyaasadeedka Musharaxiinta Daarood.
Cosoble ayaa gudaha Asbuucaani muddo Seddex jeer ah kulan la qaatay Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid iyo Hogaamiyaha maamulka Puntland C/wali Gaas kaasi oo la xaqiijiyay in lagu gaaray go’aan lid ku ah Xasan Sheekh.
Xalinta Khilaafka labada Mas’uul ayaa waxaa labadii maalin ee lasoo dhaafay ku fashilmay Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqmeed kasoo kala jeeda labada dhinac, waxaana lasoo warinayaa in Khilaafka uu yahay mid xalintiisa ay adag tahay.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa isna lasoo sheegayaa in cabsi lixaad leh uu ka muujinaayo isku soo dhawaanshaha Cosoble, RW CC iyo C/wali Gaas.
Tan iyo markii Hogaamiye Cosoble uu ka qeybgalay shirka Hogaamiyayaasha maamulada loogu qabtay magaalada Abu-Dabai ayaa waxaa sii yaraanayay xiriirka Xasan Sheekh iyo Cosoble.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

