Xog cusub: Khattab Al-Masri oo lagu dilay weerarkii HALGAN.!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerarkii horaantii bishaan Alshabaab ku qaadeen deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa soo baxaya warar sheegaya in lagu dilay sarkaal sare alshabaab ka tirsanaa kaasi oo la sheegay inuu ajnabi ahaa.

Sarkaalka la dilay ayaa la sheegay inuu u dhashay dalka Masar, waxaana la aqoonsaday sawiro laga qaaday ciidamadii Alshabaab ee lagu dilay saldhiga deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Khattab Al-Masri oo u dhashay dalka Masar, waxaana uu kamid ahaa xubnaha ajaaniibta ee ka tirsan Alshabaab kuwaasi oo ka barbar dagaalama.

Dowlada Masar ayaanan xaqiijinta dilka muwaadinkaan u dhashay dalkaasi oo Alshabaab ka tirsanaa, sidoo kale ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Alshabaab.

Waxaa la aaminsan yahay meydka ruux cadaan ah oo yaalay saldhiga deegaanka Halgan, kaasi oo kamid ahaa xubnaha Alshabaab ee lagu dilay deegaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com