Xog: Shariif Xasan oo dalbaday ciidamo Ethiopian dheeraad ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaray magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan uu dowlada Ethiopia ka dalbaday ciidamo dheeri ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in Shariif Xassan uu ciidamadaasi ku biirin doono ciidamo horay dowlada Ethiopia uga joogay magaalada Baydhabo kuwaasi oo qeyb ka ahaa ilaalada Madaxtooyada KMG ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Qorshaha Shariif Xassan ayaa ah in Ciidamada Ethiopia kaga sugan magaalada Baydhabo iyo ciidamada cusub ee uu dalbaday la geeyo Madaxtooyada cusub ee iminka laga dhisay magaalada Baraawe.

Ciidamada cusub ee uu Shariif Xassan dalbaday ayaa tirro ahaan lagu sheegay ilaa 500 kuwaasi oo kamid noqon doona ilaalada cusub ee Madaxtooyada maamulka ee Baraawe.

Madaxweyne Shariif Xassan ayaa waxaa ku adkaaneysa inuu ku shaqeeyo Madaxtooyada cusub waa haddii aan la helin ciidamo suga amniga magaaladaasi oo ay ku badan yihiin maleeshiyaadka Al-shabaab.

Dhinaca kale, Madaxtooyada KMG ee iminka ku taalla magaalada Baydhabo, ayaa noqon doonta Madaxtooyada labaad ee maamulka, waxaana degi doona mas’uuliyiinta ugu sareysa maamulka iyo kuwa DFS ee halkaasi howlaha shaqo u aada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com