Xog cusub: Tirada meydadka iyo dhaawaca ciidamada Ethiopia

Addis-Ababa (Caasimada Online) – Waxaa wali isa soo taraaya xogaha laga helaayo Meydadka ay dowlada Ethiopia ka daadgureyneyso Xerada ay ka deganaayen deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan halkaasi oo lagu weeraray.

Mid kmaid ah Saraakiisha maamulka Hiiraan oo arrintaani goobjoog u ahaa ayaa sheegay in dal-dalida meydadka ciidamada Ethiopia ee deegaanka Helgan uu socday Habeen ilaa subax Lix saac oo duhurnimo ah.

Waxa uu sheegay in goobjoog uu u ahaa in Garoonka magaalada Beledweyne laga duuliyay meydadka ciidamada ethiopia oo tirro ahaan dhan 33 oo ay ku jiraan 9 Sargaal.

Diyaarada qaadeysay Meydadka ayaa waxaa sidoo kale la sheegay in la saaray dhaawacyada ilaa 64 askari oo ethiopian ah, inkastoo Dowlada Somalia iyo Taliska AMISOM ay dafireen xaqiiqda weerarkaasi lagu qaaday Xerada ciidamada ethiopia ee deegaanka Halgan.

AMISOM ayaa sheegtay in uu jiro Khasaare soo gaaray Ciidamada Itoobiya, balse waxaa ay beeniyeen in Al-shabaab ay dileen 64 Askari.

Jabkaani ayaa noqonaaya kii ugu weynaa oo soo gaara ciidamada ethiopia, tan iyo markii ay dib ugu soo laabteen Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com