Xog cusub: Weerarkii BFS lagu qaaday horey ayaa loo sii ogaa (Dhageyso)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa soo baxaaya waraar sheegaaya in horey looga sii digay weerarka maanta lagu qaaday Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, kaasoo ay Masuuliyadiisa sheegteen Ururka Al Shabaab.

Xildhibaan C/naasir Gaarane Maxamed oo ka mid ah Guddiga Amniga ee Baarlamaanka Somaliya, ayaa waxa uu sheegay in ay filayeen weerarka maanta lagu soo qaaday Xarunta Golaha Shacabka.

“Waxa maanta dhacay waxaan fileynay weeye, in badana wararaka waana soo gaarayeen, Guddiga Amniga ee Arrimaha Gudaha iyo Guddiga Gaashaandhiga Baarlamaanka, labadaan Guddi, ayaan dhoweyto baa naloo xil saaray. Qaraar iyo warqad baan soo qornay khatarta jirta iyo in lagu soo maqan yahay halkaan iyo sida wax looga qaban lahaa.” ayuu yiri Xildhibaan Gaarane.

“Haddee waxaan u gudbinay Guddoongayaga Baarlamaanka, waana fileynay inay dhaceyso.” ayuu sii raaciyay Mudane Gaarane oo la hadlay laanta afka Somaliga ee VOA.

Ururka Al Shabaab, ayaa daba yaaqadii bishii April waxay Magaalada Muqdisho ku dileen laba ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, iyagoona dilay laba maalin oo isku xigtay.

Afhayeenka Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab, ayaa waxa uu sheegay in ay iyagu ka dambeeyeen weerarka qorsheysan ee maanta lagu doonaayay, in lagu galo Xarunta Golaha Shacabka.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federalka ee Soomaaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, ayaa wuxuu si xoogan u cambaareeyay weerarkaan oo lagu dhaawacay ilaa 3 Xildhibaano.