Xog: Xaalada horjoogaha Daacishta Puntland oo aad looga deyrinayo (Warbixin)

Garoowe (Caasimada Online) – Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in xaalad daro caafimaad ay soo foodsaartay Hogaamiyaha ugu sareeya Daacishta Somalia Sheekh Cabdulqaadir Muumin.

Horjoogaha ayaa la xaqiijiyay inuu saaxiib u noqday da’ iyo xanuunada Sokorta iyo dhiigkar, waxaana jira warar hoose oo sheegaya inuu baralees ka noqday mid kamid ah labadiisa gacan.

Illo dhanka amaanka ah ayaa xaqiijiyay in Sheekh Cabdulqaadir Muumin safar caafimaad oo dhanka Badda ah ay u qaaday Daacishta Yemen, balse iminka dib loogu soo celshay Puntland, gaar ahaan Buuraaleyda Galgala.

Sheekh Cabdulqaadir Muumin, ayaa la xaqiijiyay in xiligan uu ku noolyahay xaalad caafimaad xumo, waxaana lasoo sheegayaa in 75% shaqooyinkiisa ay hayaan Horjoogayaasha kale ee ka hoos shaqeeya, sida laga soo xigtay illo dhanka amaanka ah oo ka tirsan Puntland.

Saraakiisha amaanka Puntland ee ka howlgala Jiida buuraaleyda Galgala ayaa sheegay in macluumaadka ay helayaan uu tibaaxayo in Sheekh Cabdulqaadir Muumin uu howlgab noqday, isla markaana howsha Daacish ay sii wadaan Horjoogayaal kale.

Saraakiisha ayaa sheegay in Sheekh Cabdulqaadir Muumin uu xanuunsan yahay ku dhawaad 4 bil, hase ahaatee xanuunada iminka isku biirsaday ay duldhigeen sariirta.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa xaqiijiyay in isbedelka ku imaaday Daacish sida Qaraxyada iyo Dilalka kusoo kordhay shaqooyinkooda ay kamidtahay dadaalka ay lasoo baxeen Horjoogayaasha kale ee ka tirsan Daacish ee sida KMG ah usii haya howsha Sheekh Cabdulqaadir Muumin.

Si kastaba ha ahaatee, xanuunada Sheekh Cabdulqaadir Muumin ayaa loo aaneynayaa inay sabab u tahay cimilada buuraha uu ku noolyahay oo aad u xun.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com