Xog: Yaa hagaayay Shabaabkii weeraray Saxafi?

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa weerarkii maanta lagu qaaday Hoteel Saxafi ee Magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo ka tirsan maamulka Hoteelka ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in weerarka uu ahaa mid laga hagaayay gudaha Hoteelka waxaana la tilmaamayaa in shakiga uu yahay mid u badan dhanka mid kamid ah shaqaalaha u adeegi jiray Mas’uuliyiintii degneyd Hoteelka.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in ruuxa looga shakisan yahay hagida weerarkaasi uu yahay wiil da’yar oo inta badan dhaqi jiray gaadiidka ay wataan Mas’uuliyiinta Hoteelka degan kaasi oo markii ugu horeysay noloshiisa jiiftay Hoteelka waxyar ka hor inta uusan weerarka dhicina uu isaga baxay Hoteelka, sida aan xogtu ku helnay.

Wiilkaani da’da yar ayaa la tilmaamayaa in muddo farabadan uu ka shaqeyn jiray qeybta danbe ee Hoteelka, islamarkaana uusan aheyn mid laga shakiyo, sababo la xiriira dhowrka sanno oo uu ka shaqeynaayay Hoteelka.

Al-shabaab ayaa horay u sheegtay in Xarumaha Dowlada iyo goobaha ay ku kulmaan bulshada ee sida gaarka ah loo leeyahay ay ku dhex leeyihiin adeegayaal.

Weerarada lagu hayo Hoteelada ku yaalla Magaalada Muqdisho ayaa kusoo beegmeysa xili Maleeshiyaadka Al-shabaab ay dhowr jeer sheegen inay waxbadan ka bedeleen dagaalka ay kula jiraan Dowlada.

Dhanka kale, weerarka lagu qaaday Hotelka Saxafi ayaa waxaa ku dhintay dad ka badan 20-qof ay ku jiraan Mas’uuliyiin iyo Saraakiil ciidan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com