Xog: Daacish oo Muqdisho ka wada arrin halisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar hoose oo aan ka heleyno ilo wareed ka tirsan laamaha amaanka ayaa sheegaya in baadi-goob xoogan ay ugu jiraan shaqsiyaad la sheegay in maleeshiyada Daacishta Somalia ay magaalada Muqdisho uga diiwaan galinayaan Dagaalyahaano cusub.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in ilaa iyo hadda la haayo xogta 12 ruux oo taabacsan Daacishta Somalia kuwaasi oo dhalinyarada ku il duufinaayo in ku biiritaankooda Daacish ay uga baxayaan Faqriga iyo meel xun-fadhiga.

Goobaha ay sida qarsoodiga ah diiwaan galinta uga wadaan ayaa waxaa kamid ah Kaamamka, Iskuulada, Masaajida, Suuqa-Bakaaraha iyo goobo kale oo la sheegay in shaqsiyaadkaasi u sahli karta inay kaga dhuuntaan Ciidamada Dowlada.

Ujeedka diiwaan galinta ayaa la sheegay inay tahay in dhiiga dhalinyartaasi ay u adeegsadaan waxa loogu yeero argagixisada Al-shabaab ee uu iminka ka dhextaagan yahay khilaafka.

Shaqsiyaadka diiwaan galinta u qaabilsan maleeshiyada Daacish ayaa la sheegayaa inay gabaad ka dhigtaan ganacsi yar yar, kuwaasi oo u kala goosha dhamaan Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Kooxda Daacishta Somalia ayaa waxaa hogaaminaaya wadaad meyl adag oo lagu magacaabo Sheekh C/qaadir Muumin oo iminka la rumeysan yahay inuu ku jiro buuraaleyda Galgala halkaasi oo uu kawado agaasinka maleeshiyada.

Sheekh C/qaadir Muumin ayaa 24 Oktoobar 2015 ku dhawaaqay inay ka go’een Al-shabaab kuna biireen Kooxda Daacish oo kasii xagjirsan Al-shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com