Xog: Dagaal yahaanno ay ku jiraan ajaanib oo ka goostay Al-Shabab & hubkooda oo ku biiray ISIS

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalyahaano ka goostay Al-shabaab ayaa lasoo warinayaa inay ku biireen Maleeshiyaadka dhawaan shaaciyay inay ka go’een Kooxda kuna biirtay Daacish.

Wararku waxa ay sheegayaan in Maleeshiyada Al-shabaab ka goosatay ay gaarayaan ilaa 28 kuwaasi oo la goostay Hub iyo Gaadiid dagaal, si ay ugu biiraan Daacishta cusub ee Somalia.

Maleeshiyaadka goostay ayaa la sheegayaa inay ku jiraan Dagaalyahaano Ajnabi ah oo ka tirsanaa Al-shabaab, balse wakhtiyadii danbe taageersanaa fakirka ah in Daacish lagu biiro.

Dagaalyahaanada ajaanibta ayaa gaaraya ilaa 3 kuwaasi oo la sheegay in mid kamid ah uu kasoo jeedo dalka Pakistaan, halka 2 kale aanan wali la xaqiijin dhalashadooda.

Maleeshiyaadkaani goostay ayaa noqonaaya qeybtii ugu horeysay ee iminka ka goostay Al-shabaab tan iyo markii ay labo u kala jabeen Al-shabaab oo qeyb kamid ah ay ku biireen Daacish.

Ma cadda waxa ay kooxdaasi kusoo kordhin doonaan ku biiritaankooda Daacishta Somalia, waxa ayna tani sii kordhineysaa khilaafka ka dhexeeya Al-shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com