Xog laga helayo shir culus oo ay DF SOMALIA ku qaban doonto New York + Ujeedka laga lee yahay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helaayo ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in DF Somalia ay u diyaar garoobeyso inay ka qeybgasho Shir khuseeya Hiigsiga 2016-ka oo ka furmaayo Dalka Mareykanka.

Xogtu waxa ay sheegeysaa in shirkaasi uu furmi doono 28-ka Bishan iyadoona ay goobjoog ka ahaan doonaan Xubno ka kala socda Dowladaha deeq bixiyayaasha taakuleeya Somalia.

Shirkaasi ayaa lagu wadaa inay ka qeybgali doonaan Mas’uuliyiinta ugu sareysa dalka, waxaana waxa ugu badan ee lagu lafa gurayo ka mid ah waxyaabihii ka qabsoomay Ballan qaadyadii lagu sameeyay Shirarkii khuseeyay arrimaha Hiigsiga ee horay usoo dhacay.

Shirkaani ayaa inbadan ka duwanaan doono shirarkii horay u dhacay waxa uuna Ujeedkiisu yahay in deeq bixiyayaasha iyo Dowladaha kale ee saaxiibada la ah Somalia waxbadan ka ogaadan heerka uu gaarsiisan yahay hamiga DF Somalia ee ku aadan Hiigsiga 2016-ka.

Xogtu waxa ay intaa kusii dareysaa in Shirka ay wada gudoomin doonaan Madaxweynaha Dowladda Federalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon.

Madaxda DF ayaa waxbadan laga weydiin doona waxyaabihii u qabsoomay iyo sida lagu dhameynkaro inta harsan, waxaana suuragal ah in Madaxdu ay ku fashilmaan ama ay ku najaxaan Su’aalaha loo qorsheeyay.

Dhanka kale, Shirkaani ayaa waxa uu daba socdaa shirarkii hore ee looga hadlay arrimaha Hiigsiga 2016-ka, waxaana kan iminka marti galineysa Dowlada Mareykanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com