DFS oo loogu deeqayo gaadiid ku cusub AFRIKA

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar aan ka heleyno xubno firfircoon oo ka tirsan Villa Somalia ayaa sheegaya inuu socdo dadaalo DF lagu soo gaarsiinaayo gaadiid casri ah oo looga hortago miinooyinka meelaha fog laga hago.

Xubnahaasi ayaa sheegay in gaadiidkaasi ay ballanqaaden Dowladaha sida gaarka ah u taakuleeya Somalia, waxa ayna tilmaameen in Gaadiidkaasi ay awood u leeyihiin inay fashiliyaan Miinooyinka lagu aaso wadada ay goortaasi marayaan dhow KM ka hor inta uusan goobtaasi lagu aaso miinooyinka gaarin.

Dowladaha dadaalkaasi ugu jiro sida Madaxda Somalia lagu soo gaarsiin lahaa ayaa waxaa kamid ah Japan, Mareykanka iyo Britain oo saaxiibo dhow la ah Somalia.

Gaadiidkaasi oo loogu tallo galay inay isticmaalan madaxda ayaa waxaa Africa ka isticmaala kaliya Madaxweynaha dalka Ugandha Y. Museveni.

Gaadiidkaani ayaa waxbadan ka tari doona qalqal galinta amaanka Madaxda dalka ee xili waliba kaga imaada dhanka Maleeshiyaadka Xagjirka ah ee Al-shabaab.

Lama sheegin xiliga iyo goorta gaadiidkaasi lasoo gaarsiin doono madaxda DFS, inkastoo ay xogtu sheegeyso in qorshaha uu yahay mid socda.

Xafiiska Muqdisho
Caasimada Online
Caasimada@live.com