Xog: Qadar oo qorshe cusub u kaashaneysa Xasan Dahir Aweys

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan kasoo xiganay Mas’uul ka tirsan Xarunta Madaxtooyada Somalia ayaa sheegay in Dowlada Qadar ay nabad kusoo dabaalida Somalia la kaashaneysa Hogaamiyihii hore ee Kooxda Xisbul Islaam Xassan Daahir Aweys oo iminka degnaansho ka helay dowlada Qadar oo kamid ah dowladaha sida dhow ula shaqeeya dowlada Somalia.

Xogta aan mas’uulkaasi kasoo xiganay ayaa sheegeysa in dowlada Qadar ay iminka bilowday sida Xassan Daahir ay uga heli laheyd xogo joogta ah oo ku saabsan Kooxaha Xagjiriinta ah ee ka dagaalama Somalia sida Al-shabaab.

Waxa uu sheegay in Xassan Daahir Aweyd uu awood u leeyahay inuu la xiriiro Hogaamiyayaasha ugu sareeya Xagjiriinta Somalia, ka sokow khilaafka kala dhexeeya, waxa uuna intaa ku daray in Xassan Daahir uu galaangal wanaagsan u leeyahay dhammaan Hogaamiyayaasha Kooxda Al-shabaab.

Xassan Daahir ayuu sheegay in dowlada Qadar uu ka saacidaayo kaliya wixii khuseeya Al-shabaab, islamarkaana aanu jirin wax cadaadin ah oo lagu sameyn doono wadaadkaasi ka gadooday Al-shabaab.

”Ma doonaayo inaan kusii fogaado arrintaani balse waxaan idiin xaqiijinayaa in Xassan Daahir la dajiyay dalka Qadar sababtuna ay tahay sida uu ku heli lahaa magangalyo iyo in dowlada Qadar uu kala shaqeeyo sida ay Somalia uga xoroobi laheyd argagixisada midabada kala duwan leh”

”Ma filaayo in loo geysan doono wax isaga dhiba balse tani ay tahay mid caawinaad ah oo aan habayaraatee laheyn cadaadin iyo maquunin toona” ayuu yiri mas’uulkaasi oo dalbaday inaan magaciisa loo adeegsan warbaahinta.

Xassan Daahir Aweys oo iminka deegaan ku ah dalka Qadar, ayaa horay u sheegay inaanu jirin wax xiriir ah oo kala dhexeeya Al-shabaab, balse waxa uu si cad u diiday inuu shaaciyo in uu ka laabtay fakirkiisa xagjirnimo.

Docda kale, dowlada Qadar oo xiriir dhow la leh dowlada Somalia ayaa ku taameysa in Somalia ay hesho xasilooni waxa ayna Juhdi ku bixineysaa sidii lagu ciribtiri lahaa Kooxaha Xagjiriinta ah oo ay ugu horeyso Al-shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com