Xog: Dulyadeyn oo kala dooranaya laba arrin mid

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo maalin ka hor warbaahinta caalamka ay shaacisay warar sheegaya in Horjoogaha maleeshiyada Al-shabaab ugu magacawnaa dalka Kenya Dulyadeyn uu ku biiray Kooxda Daacish ayaa waxaa haddana soo baxaaya warar la xiriira qorshihiisa.

Qaar kamid ah warbaahinta Kenya ayaa mar kale daabacay in Dulyadeyn uu wado laba qorsho oo iminka horyaala waxa ayna warbaahintu qortay in qorshooyinkaasi uu ku doonaayo inuu ku balaariyo awooda Daacishta Somalia.
Labada qorsho ee la sheegay in Dulyadeyn uu kala dooranaayo ayaa waxa ay kala yihiin:

1- In uu u socdaalo deegaanada Jubbaland oo qeybo kamid ah ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan Daacishta Somalia.

2- In Daacish uu wakiil uga noqdo dalka Kenya si halkaasi loo gaarsiiyo dacwada maleeshiyaadka Daacish.

Labadaani qodob ayaa waxaa la sheegay in iminka ay yihiin kuwo horyaala Dulyadeyn oo miisaan ugu fadhiya Daacish.

Dulyadeyn ayaa iminka wata maleeshiyaad aad u farabadan kuwaasi oo isugu jira Somali iyo Kenyaan ku hubeysan hubka fudud.

Dhanka kale, Dowlada Kenya ayaa Dulyadeyn madaxiisa duldhigtay lacag dhan 215 kun oo doolar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com