Xog cusub: Ethiopia iyo Kenya oo 4 qodob ugu heshiiyey Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia, Hailemariam Desalegn, ayaa lagu wadaa inuu booqdo magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Booqashada Hailemariam, ayaa salka ku heysa arrimo dhanka siyaasada ah oo la xiriira Somalia, waxa ayna labada dal ka tashanayaan siyaasada Somalia ka hor inta aan dhicin doorashada.

Hailemariam ayaa aad uga cabsi qaba in Somalia ay gacanta u gasho madaxweyne aan iyaga u jilicsanaan doonin, waxa uuna Kenya kala hadlayaa sida ay ku taageeri lahaayen hal musharax oo ay u arkaan in uu fulin doono danahooda siyaasadeed ee gaarka ah.

Hailemariam waxa uu dhigiisa Kenya usoo bandhigi doonaa 4 qodob oo ay kamid yihiin:

In si wada jir ay u wada taageeran hal musharax oo u daacad noqon doona.

In siyaasada Somalia ay labo u kala dhantaalan islamarkaana dal waliba dhankiisa uu carqalada ka wado si aan Somalia u caga dhigan.

In bilaha ka harsan doorashada la xoojiyo xiriirka labada dal, si aysan ugu hingoobin danaha ay ka leeyihiin Somalia.

In la iska kaashto la dagaalanka Al-shabaab.

Sidoo kale, Labada mas’uul oo ku kulmi doona Magaalada Nairobi ayaa si qoto dheer uga wada hadli doona xiriirak labada Dal, dhaqaalaha, Amniga.

Sikastaba, wada hadalka Dowladdaha Kenya iyo Ethiopia ayaa imaanaya xili Al Shabaab ay siyaabo kala duwan weerar ugu qaadeen Xoogaga Kenya iyo Ethiopia ee qeybta ka ah howlgalka Nabad Ilaalada ee Midowg Afrika ee AMISOM.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com