Xog: Ethiopia oo arrin halisa ka wada Baydhaba

MuqdishoMuqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidamada Ethiopia ee halkaasi ka howlgala ay wadaan qorsho ay ku hantinayaan Siyaasada Maamulka Koonfur galbeed ee Somalia.

Dowlada Ethiopia oo Siyaasad gaar ah ka damacsan Gobolada uu ka arrimiyo Maamulka Shariif Xassan ayaa iminka la sheegayaa in talaabadeedii ugu horeysay ay noqotay in 200 oo dhalinyaro Somali-Ethioipa ah ay ka dajisay Baydhabo.

Qorshaha dhalinyaradaasi loo geeyay Baydhabo ayaa ah in laga dhigo Ciidamada Booliska ee dhawaan loo tababaraayo Maamulka Koonfur Galbeed, si ay Ethiopia u hantiso amaanka iyo Siyaasada Goboladaasi.

Dhalinyarada ay Dowlada Ethiopia iminka geysay Baydhabo ayaa la tilmaamayaa in 3 asbuuc ka hor lagu diiwaan galiyay Magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Ciidamada Booliska ee la doonaayo in lagu biiriyo kuwa hadda la geeyay Baydhabo ayaa waxa uu qorshuhu yahay in loo kala qeybiyo Xarumaha ugu waaweyn Maamulka si ay ula socdaan xaalada amaan ee xarumahaasi.

DF Somalia ayaan ku baraarug saneyn talaabadaani ay wadaan Saraakiisha Ethiopia ka jooga Magaalada Baydhabo,waxaana suuragal ah in arrintaani ay dhaliso caqabad hor leh oo mustaqbalka danbe soo ifbixi doonta.

Tallaabadaani ayaa muujineyso in Dowlada Ethiopia ay wado qorsho ay ku hantineyso deegaanada Maamulka Koonfur galbeed, bacdamaa hamigeeda uu yahay mid ka fog la dagaalanka Maleeshiyaadka Al-shabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com