Xog: Ethiopia oo hub u qeybisay ciidamada K/G

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in Dowlada Ethiopia ay hub ugu deeqday Ciidamada maamulka Koofur galbeed ee Somalia.

Hubka loogu deeqay Ciidamada maamulkaasi ayaa la sheegayaa inay u badan yihiin qoryaha AK47.

Hubkaasi ayaa waxaa loogu talla galay Ciidamada Booliska iyo kuwa Militeriga ee iminka loo soo xiray tababar ciidan, kuwaasi oo isaga difaaci doona Maleeshiyaadka xagjirka ah ee Al-shabaab.

Dowlada Ethiopia ayaa xiriir dhow la leh maamulka Koofur galbeed ee Somalia, waana tan keentay in Hub noocaasi ah loogu deeqo maamulka.

Maamulka Koofur galbeed ayaa dhawaan ciidan ahaan u diiwaan gashtay dhalinyaro ay Dowlada Ethiopia kasoo xushay Gobolka Soomaalida si ay u kabana Ciidamada iminka la diiwaan galiyay.

Lama saadaalinkaro baahiyaha Dowlada Ethiopia ku qasbeyso inay ciidamo iyada ay wadato ay u diiwaan galiso maamulka Koofur galbeed ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com