Xog: Farmaajo iyo Shariif oo wada-hadlay iyo Shariifka oo diiday arrin laga codsaday

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xiriir qadka taleefoonka ah xalay lasoo sameeyey madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo Shalay loo doortay inuu noqdo Hoggaamiyaha Madasha Xisbiyada Qaran.

Sida ay Caasimadda Online u xaqiijiiyeen xubno ka tirsan Madaxda Xisbiyada Qaran, Madaxweyne Farmaajo ayaa Shiikh Shariif ka codsaday inuu la yeeasho kulan gaar ah balse Shiikh Shariif ayaa diiday inuu aqbalo casuumadaas.

Shiikh Shariif ayaa u sheegay Farmaajo in shalay wixii ka horreeyey ay taas macquul aheyd balse uu hadda yahay hoggaamiye madal Xisbiyo ku midoobay, haddii uu la kulmayana ay tahay in madasha dhan la casuumo..

Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay in markaas kadib uu sheegay inuu arrintaas kasoo tashan doono dibna uu ula soo xiriir doono.

Wadahadalka labada Mas’uul ayaa imaanayo xilli maalmo ka hor kulan qarsoodi ah uu Muqdisho ku dhex maray Agaasimaha NISA Fahad Yaasiin iyo xubno ka tirsan Xisbiga UPD.

Isbaheysiga Madasha Xisbiyada ee Mucaaradka ah ayaa culeys weyn ku noqday dowladda Federaalka, waxaana muuqata isku-day dowladdu ku dooneyso inay ku dhex gasho Xisbiyada qaar oo ay wada hadalo hoose la furto.

Xubnaha mucaaradka ee midoobay ayaa si cad uga digay inay Dowladda Soomaaliya sameysato muddo kororsi taasina ay tahay wax aysan marnaba aqbali doonin.

Dowladda ayaa isku dayeyso inay kala furfurto Xisbiyada midoobay si ay culeyska isaga yareyso, waxaana ilaa hadda fashilmay laba isku day oo ay sameysay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com