Xog: Madaxweyne Farmaajo oo qaadaya laba tallaabo mid si uu uga JAWAABO carruurta ku maqan Eritrea

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegay in Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka fakarayo in uu qaado laba tallaabo middood si uu ugua jawaabo arrimaha la xariira dhallinyarada ku maqan dalka Eritrea. 

Dhallinyaradan ayaa dalka ka maqan in ka badan laba sano, waxaana dhowaan xoogeystay warar sheegaya in laga dagaal geliyey gobolka Tigray ee dalka Ethiopia, inkasta oo dowladda ay arrintaas beenisay.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in Villa Somalia ay wado qorshe ay ku qaadeyso weriyayaal kasoo warrama xaaladda dhallinyaradaas, maadaama aysan awoodin dowladda Soomaaliya in ay dalka ku soo celiso.

Tallaabo kale oo laga fakarayo ayaa iyana ah in Madaxweynaha Soomaaliya uu qorshaynayo in uu tago dalka Eritrea islamarkaana uu la soo kulmo dhallinyaradaas islamarkaana uu wax ka qabto cabashadooda iyadoo ay socdaalkaas raaci doonaan saxafiyiin ka tirsan Villa Somalia. 

“Dowladda Soomaaliya waxaa lagu leeyahay lacagtii lagu tababaray dhallinyarada mana hayso hadda mana jirto cid soo siineysa carruurtaas haddiib ay noolyihiin balse waxaa ka go’an in ay waddo weriyaal taageersan dowladda ama kuwa Madaxtooyada islamarkaana uu tago Farmaajo” ayuu yiri sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ee Villa Somalia, oo la hadlay Caasimada Online.

Khamiistii iyo Jimcihii waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbaxyo looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo, kuwaasi oo ay dhigeen qaaar kamid ah waalidiinta Soomaaliya oo ay ka maqanyihiin carruurta loo qaaday dalka Eritrea. 

Sidoo kale waxaa jira guddi waalidiinta ka socda oo la sheegay in dacwad ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo u gudbiyeen Xildhibaanada iyo siyaasiyiinta matala si ay ugu sii gudbiyaan hay’adaha garsoorka oo ay arrintaan quseyso. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa wajahaya cadaadis badan oo ka dhashay wararka isa soo taraya ee carruurta Soomaaliyeed ka soo baxaya iyadoo waalidiin badan ay ku noolyihiin walwal iyo qeyla dhaan joogto ah.