Xog: Hadalladii kululaa ee la isku weydaarsaday kulankii xalay ee ergeyga Qatar iyo Midowga Musharaxiinta

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaan xog ka helnay waxyaabihii looga wada-hadlay kulankii xalay Hotelka Decale ku dhex-maray midowga musharaxiinta mucaaradka ah iyo Ergeyga gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Qatar Dr. Mutlaq Al-Qahtani.

Kulankaas waxaa looga hadlay arrimaha siyaasadda, gaar ahaan doorashooyinka iyo taageerada dowladda Qatar la garab taagneed Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Taliyaha NISA Fahad Yaasiin, waxaana kulankaas musharaxiinta uga qeyb galay Xasan Sheekh Maxamud, Xildhibaan Cabdulqaadir Cosoble, Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Musharaxiinta ayaa u sheegay Mutlaq Al-Qahtani in taageeradii ay dowladda Qatar sida indha la’aanta ah ula garab taagneyd Farmaajo iyo Fahad afartii sano ee lasoo dhaafay lagu dhibaateeyey shacabka Soomaaliyeed, isla markaana dhaawac xoog leh loogu geystay geedi socodkii dhismaha dawladnimada Soomaaliya.

Intii uu socday kulankaas Musharaxiintii waxay kaloo ku eedeeyeen Qatar iyo Turkiga in hubkii iyo gaadiidkii ay ugu deeqeen ciidanka Soomaaliya uu Farmaajo u adeegsaday caburinta shacabka, iyadoo lagu weeraray Madaxweynayaashii hore ee dalka iyo dadweyne banaanbax banadeed dhigayey.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa kulankii xalay ka sheegay in weerarkii gurigiisa lagu qaaday 17-kii December uu si gaar ah ugu tuhmaayo inay Qatar ku lug laheyd, sida ay nagu soo gaartay xogtu.

Musharaxiintu waxay Mutlaq Al-Qahtani u sheegeen in dhaqaalihii dowladda Qatar ay ku taageertay Farmaajo iyo Fahad loo adeegsaday burburinta dawlad goboleedyadii ka dhisnaa dalka, laaluushka baarlamaanka iyo iibsashada saraakiisha sarsare ee ciidanka iyo qandaraas shirkado loobiga Maraykanka lagu siiyey in ay hagaajiyaan xiriirka Farmaajo maamulkii hore ee madaxweyne Trump.

Waxaa loo soo jeediyey in ay shacabka Soomaaliyeed uga cudurdaartaan gaboodfalladii dhacay, isla markaana qaataan tallaabo muuqata oo muujinaysa inay ka xunyihiin taageeradii Farmaajo.

Ergeyga ka socda dowlada Qatar Mutlaq Al-Qahtani ayaa ka dalbaday sida uu xalku ula muuqdo Midowga Musharaxiinta oo loo soo celin karo kalsoonida siyaasiyiinta dhexdooda, waxay Midowga Musharaxiinta si cad ugu sheegeen ergeyga in xalka iyo kalsoonidu ay ku soo laaban karto oo kaliya in Farmaajo kursiga baneeyo, isagana soo baxo Vilada ama uu wareejiyo amniga guud ee dalka, farahana kala baxo arrimaha doorashooyinka dalka.

Waxay kaloo musharaxiintu la wadaageen Ergeyga in dowladiisu kala shaqeyso Ra’iisul Wasaare Rooble sidii uu u qaban lahaa doorasho xor iyo xalaal ah oo sida ugu dhaqsiyaha badan dalka uga dhacda.

Ergeyga ayaa isagoo is difaacaya dhiniciisa sheegay in dowladiisa Qatar aysan shakhsiyaad taageerin, balse ay taageereen dowladda Soomaaliyeed, waxa uu sheegay inay Farmaajo gaarsiiyeen fariin adag oo ay ka soo wada shaqeeyeen dowladda Maraykanka.

Waxuu kaloo sheegay in uu danaynayo xal u helidda khilaafka Kenya iyo Soomaaliya iyo inuu la kulmi doono Madaxweynaha Kenya si uu u guddoonsiiyo fariin gaar ah uu ka sido Amiirka dalkiisa.

Dawladda Qatar ayaa haatan u muuqata in ay ka guurtay taageeradii Maxamed Cabdullahi Farmaajo, isla markaana ay baadi-goob ugu jirto xulufaysi siyaasadeed oo hor leh.