Xog: Hubkii ku jiray keydka Villa Somalia oo magaalada qulqulaya

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo dalka uu ku jiro xili kala guur ah, ayaa waxaa soo ifbaxaaya warar sheegaya in Bakhaarka keydka Hubka ee Villa Somalia, siyaabo khaldan looga saaro Hub kala nooc ah oo loogu tallo galay in loo adeegsado argagixisada.

Hubka siyaabaha khaldan looga saaro Bakhaarka Keydka ayaa waxaa loo iibgeeya suuqyada madow ee lagu kala iibsado Hubka.

Hubka ugu badan ee sida xatooyada ah looga saaro Bakhaarka ayaa waxaa kamid ah Bastooladaha, Rasaasta, Qoryaha fudud iyo Dareeska ciidamada Milliteriga oo dhamaantooda lagu kala iibsado magaalada Muqdisho, halka qaarna loo qaado gobolada dalka.

Hubka ayaa waxaa suuq geeya dhalinyaro ka dhex shaqeysa Saraakiisha ka howlgasha Villa Somalia iyo Ganacsatada Hubka iibisa.

Hubka ugu badan ayaa waxaa qaabab khaldan looga iibshaa Maleeshiyada Al-shabaab, halka qaarna laga iibsho kuwa loo yaqaan mooryan gareyda.

DFS ayaa fashilka ugu badan waxa uu ka sheystaa koontorool la’aanta Hubka ay ka hesho Dowladaha ay saaxiibada la tahay, waxaana xusid mudan in gaadiidkii dhawaan loogu deeqay Booliska loo qeybiyay shaqsiyaad caadi ah.

Golaha Amaanka QM ayaa dhowr jeer ka hadlay Hubka loogu deeqo Dowlada ee dhex qulqulaaya magaalada Muqdisho.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com