Xog: Imaaraadka Carabta oo xarumo SIRDOON ka dhex dhisaneysa Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya maamulka Puntland ayaa sheegaya in Dowlada Imaaraadka Carabta ay iminka xarumo sirdoon ka dhex dhisaneyso Puntland.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in Xarumaha cusub ay Imaaraadka ka dhex dhisanayaan qeybo kamid ah Garoonka magaalada Garoowe ee Xarunta maamulka, halkaas oo amnigeeda aad loo adkeeyay.

Xarumaha ayaa la xaqiijiyay inay ka howlgali doonaan qaar kamid ah Saraakiisha Sirdoon iyo kuwa Militery ee dhawaan Dowlada Somalia ka erisay magaalada Muqdisho.

Qaar kamid ah qalabka loogu tallo galay in looga dhex shaqeeyo Xarumahaasi ayaa laga dajiyay  magaalada Garoowe, waxaana iminka halkaa ku sugan mas’uuliyiin ka socda Hay’adaha amaanka Imaaraadka iyo Khubaro ku xeeldheer istiraatiijiyada kuwaa oo qiimeyn ku sameyn doona goobaha lagu shaqeyn doono.

Dowlada Imaaraadka ayaa xarumahaani uga maarmi doonta kuwa ay ku lahaayen magaalada Muqdisho, waxaana lasoo sheegayaa in sidoo kale ay dhaqaale xoogan ku wareejiyeen Hoggaamiyaha Puntland C/weli Gaas, taa oo la saadaalinayo in loogu tallo galay in Gaas uu uga baxo doorashada si mar kale uu usoo laabto.

Sidoo kale, maamulka Puntland ayaa horay u sheegay in ka maamul ahaan aysan ka maarmi Karin dowlada Imaaraadka carabta, sidaa aawgeed aysan waxba ka khuseyn go’aank ay dowlada Somalia ka qaadatay Imaaraadka.

Si kastaba ha ahaatee, Imaaraadka ayaa magaalada Muqdisho looga aqoonsaday inay halis ku tahay Amniga, Dhaqaalaha iyo dhinaca Horumarka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com