Xog: Imaaraadka oo laalay qorsho ay DF ku magacaabi laheyd safiir cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay mas’uuliyiin  ka tirsan Wasaarada Arrimaha dibadda Somalia, ayaa sheegaya in dowlada Imaaraadka carabta ay laashay qorsho ay dowlada Somalia ku magacaawi laheyd Safiir cusub.

Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in dowlada Imaaraadka ay dib usoo celisay Safiir cusub oo la doonaayay in lagu bedelo kan iminka Somalia u fadhiya dalka Isutaga Imaaraadka carabta.

Dowlada Imaaraadka ayaa la xaqiijiyay inay is hortaagtay magacaabida Safiirka cusub, maadaama waayadan uu sii kordhaayay khilaafka labada dal, oo gaaray heer leysu aqbali waayo Safiirada.

Waxa ay xogtu intaa kusii dareysaa in dowlada Imaaraadka ay dib usoo celisay warqad codsi ah oo lagu dalbanaayay aqbalaada Safiir cusub, waxa ayna taa cirka ku toshay khilaafka labada dal.

Dowlada Imaaraadka ayaa baqdin ka qabta in Safiirka cusub oo ay dib usoo celisay uu ka awood bata kan iminka ku magacaaban dalkaasi oo Siyaasad ahaan jilicsan.

Dowlado dhowr ah oo ay kamid tahay Kuweyd ayaa horay u diiday in dowlada Somalia ay bedesho Safiirkeeda ku magacaaban dalkaasi, iyadoo aan la garaneynin sababta dhabta ah.

Dowladaha Somalia iyo Imaaraadka carabta ayaa isku haya arrimaha Dekadda Berbera, oo uu Imaraadka Heshiis kula galay maamulka Somaliland.

Ma cadda talaabada ay qaadi doonto dowlada Somalia, waxaana xusid mudan in Imaaraadka ay Somalia kala baxday Diplumaasiyiinteeda.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com