Xog: ISIS-ta Somalia oo maleegay qorshe cusub

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Britain ayaa walaac ka muujisay awoodaha Daacishta Somalia ee kusii baaheysa Gobolada dalka Somalia.

Warbixin ay soo saartay wasaarada Gaashaandhiga Britain ayaa waxaa lagu sheegay in Garabka kasoo goostay Al-shabaab ee Daacishta Somalia ay kusii siqayaan Gobolo dhowr ah, iyaga oo adeegsanaaya taatiko ka duwan kan ay iminka adeegsato maleeshiyada Al shabaab.

Gen John lorimer oo ka tirsan saraakiisha Milateriga Britain ayaa sheegay in dhaqdhaqaaqa Daacishta Somalia uu kasii reynaayo sidii ay asbuucyo ka hor ahaayen waxa uuna farta ku goday in dhaqdhaqaaqaasi uu halis ku yahay amaanka guud ee Somalia.

Kooxda Daacish ayuu sheegay in weeraro halis ah ka fulin karaan gudaha Somalia isagoo tilmaamay in xilligaan daacish ay ku jirto abaabul ay doonayaan in ay ku sii fidaan dalal hor leh.

General john lorimer waxa uu ka digay in Taliska AMISOM iyo Wasaarada Gaashaandhiga Somalia ay habacsanaan ka muujiyaan xaaladaha ka taagan Somalia waxa uuna carabaabay in tirada Daacishta Somalia ay kor usii kacday maalmihii ugu danbeeyay.

Britain ayuu sheegay inay diyaar u tahay sidii ciidamada Somalia ay kala shaqeyn lahayd ka hortagista halista kooxdaasi oo uu tilmaamay in kooxo dhibaato daran ka gaysta qaar ka mid ah dalalka caalamka.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta ayaa waxaa lagu cadeeyay in halista Daacishta Somalia ay tahay mid saameyn karta Somalia oo idil, taasina ay carqalad ku keeni karto hanaanka Siyaasadeed ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com