Xog iyo Gorfeyn: Yey dan ugu jirtaa colaadaha Kenya ay ka dhex hurineyso dalka Soomaaliya?!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin uu soo saaray Machadka barashada Siyaasadda iyo Amaanka ee ISS ee fadhigiisu yahay Nairobi ayaa waxaa uu kaga hadlay howlgalka Ciidamada Kenya ay ka wadaan Soomaaliya ee ka qeybta ah howlgalka AMISOM.

Warbixinta ayaa Cinwaan looga dhigay “Yaa ka faa’ida dagaalka kenya ay ka waddo gudah Soomaaliya?”,waxaana lagu eegayaa dhinacyada kala ah Kenya, Maamulka Jubba Al-shabaab iyo maamulka Gobolka Waqooyi bari Kenya.

Warbixinta ayaa wxaa ay diiradda saareysaa Ganacsiga iyo dhaqaalaha ka soo xarooda Dekadda Kismaayo,waxaana ay sheegeysaa in Kismaayo ay Maraakiib Ganacsi keenaan Sokor kana dhoofiyaan Dhuxul.

Machadka ISS ayaa sheegaya in uu wareystay Rag badan oo dhinaca amniga wax ka bartay,waxna uu ka weydiiyay dagaalka Kenya ay ka waddo Soomaaliya,waxaana warbixinta uu sameeyay Machadka uu ku ogaaday sida uu sheegay in Maraakiibta Sokorta ka soo dejisa Kismaayo Jawaankiiba Ciidanka Kenya ay ka qaadaan $2, si la mid ah Maraakiibta Sokorta keentay Dhuxul ayey qaadaan waxaana Jawaankiiba ay Ciidanka Kenya ka qaadaan $2,marka uu waddada ku sii jirana Gaariga Sokorta wada ay Al-shabaab ka qaadaan $1050 doollar,maamulka Jubbana uu Canshuur gooni ah ka qaado,halka maamulka Waqooyi bari Kenyana uu Canshuur kale kaga sii qaado Sokorta la geynayo Waqooyi bari Kenya.

Dhawaan Kooxda Qaramada Midoobey u qaabilsan la socodka Cunaqabateynta Soomaaliya iyo Eritrea ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidanka Kenya ay Al-shabaab ka saacidaan in ay helaan Lacag badan.

George Saitoti, waa Wasiirka Amniga gudaha dalka Kenya waxaa uu sheegay in Kenya ay u gashay Soomaaliya in ay sugto Amnigeeda,dano dhaqaalana aysan ka lahayn gudaha Soomaaliya.

Warbixinta waxaa ay soo jeedisay in haddii arrinta ka socota Kismaayo aysan wax ka qaban howlgalka Midowga Afrika Soomaaliya ee AMISOM ay taasi dhaawac ku tahay Sumcadda howlgalkooda Soomaaliya.
W/T Ibrahim Farah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com