Xog ka soo baxeysa Dagaal lagu hoobtay oo ka dhacay Sh/Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaalkaani oo ahaa mid qaraaran ayaa waxa uu habeenimadii xalay ka dhacay deegaanka Masaajid Cali Gaduud, oo ka tirsan Degmada Cadale ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Dagaalka oo dhowr saac qaatay ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidanka Dowladda iyo maleeshiyaadka Al-shabaab waxa uuna dagaalka ka danbeeyay ka gadaal markii maleeshiyada ay weerar toos ah ku qaadeen goob ay ku sugnaayen Ciidanka Dowlada oo ku taala deegaankaasi.

Dagaalka ayaa gaystay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh oo labada dhinac soo kala gaaray, waxaana markii danbe dagaalka uu gaaray heer ay ciidamada dowlada eryaan maleeshiyaadka duulaanka soo qaaday.

Dhinaca kale, Dadka deegaanka ayaa sheegay in Dagaalka lagu dilay ilaa laba ka mid ah Ciidanka Dowladda, halka ay Shabaabku qaateen meydadka iyo dhaawacyada qaar ka mid ah maleeshiyadooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com