Xog: Kenya oo lagu weerari doono gaadiidkii iyo hubkii laga dhacay

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adaha amaanka Kenya ayaa lagu amray inay galaan Feejignaan ku aadan dhanka Amaanka kadib markii Sirdoonka Dowlada Kenya ay shaaca ka qaaden in maleeshiyaadka Al-shabaab gudaha Kenya ku dhex diyaarinayaan weeraro xoogan.

Magaalooyinka Hay’adaha la faray inay heeganka ka galshaan ciidamada ayaa waxaa kamid ah Nairobi iyo Mombassa oo la sheegay in maleeshiyada ay la damacsan tahay inay ka dhex fuliyaan weeraro argagixiso.

Fedrick Shisia oo ah Taliyaha Boliska Gobalka Mandera, ayaa sheegay inay heleen xogo muujinaaya in maleeshiyada ay diyaarinayaan weeraro uu dhiigbadan ku daato.

Fedrick Shisia, waxa uu sheegay in ciidamo aad u xoogan ay dhigeen gabi ahaan goobaha la filankaro in maleeshiyada ay ka fuliyaan weerarada, waxa uuna tilmaamay in cabsida ugu badan ay tahay in Qaraxyo ay adeegsadaan maleeshiyaadka.

Fedrick Shisia, waxa uu sheegay in xogta ay heleen ay muujineyso in maleeshiyada ay adeegsan doonaan dhalinyaro aan laga garaneynin ciidamada oo isticmaali doona dharkamiliteriga iyo kuwa Booliska.

Waxa uu intaa ku daray in maleeshiyadu ay isticmaali doonaan Gaadiidka Dagaalka ee ay horey ugu qabsadeen Duullaankii ay bartamihii bishii Janaayo ee sannadkan ku qaadeen Xeraddii ay Ciiddanka Kenya ku lahaayeen Deegaanka Ceel-cadde ee Gobalka Gedo.

Dowlada Kenya ayaa ka digtay in maleeshiyada Al-shabaab ay ku dhex dhuumaaleysato ciidamada Kenya, iyadoo la adeegsanaayo agabka ciidamada dowlada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com