XOG: KENYA oo xirtyay DUMAR Soomaaliyeed.!!

Nairobi (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa sheegay iney xireen sideed ruux oo Soomaaali kuwaasi oo lagu xiray deegaanka Londiani oo ka tirsan dalka Kenya.

Laamaha amaanka Kenya ayaa sheegay in sideeda ruux oo ka kooban lix dumar ah iyo labo caruur ah ay kusii jeedeen xaafada Islii ee magaalada Nairobi iyaga oo ka yimid dalka Uganda.

Danson Diru oo ka tirsan waaxda dambi baarista ee Deegaanka Kericho ayaa sheegay in sideeda ruux ee Soomaaliya ay markii hore ka tageen dalka Soomaaliya kuna sii jeedeen Uganda ka hor inta  aysan safar dhulka ah kaga gudbin Kenya.

Sidoo kale wuxuu sheegay in dadkaasi si qarsoodi ah lagu geliyay magaalada Nairobi ee dalka Kenya taasi oo sababtay in ciidamada amaanka ay ka shakiyaan.

Dadkaasi oo aan awoodin ku hadlida luqada Sawaaxiliga iyo English-ka ayaa la sheegay iney baaritaano ku wadaan ciidamada amaanka sida warbaahinta Kenya ay baahisay.

Kenya ayaa marar badan xabsiga dhigtay dad dhalinyaro u badan oo Soomaali ah kuwaasi oo lagu eedeey iney xiriir la leeyihiin ururka Alshabaab oo weeraro qasaaro geystay ka fuliyay dalka Kenya.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com