Xog: Kooxda Farmaajo oo sharxeysa wasiirka arrimaha dibedda una wakiilatay Mudug

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, oo maalmahaan ku sugnaa waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa u sharaxan kursi kamid ah golaha shacabka oo deegaan doorashadiisu tahay gobolka Mudug.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa la sheegay in musharaxnimadiisa uu taageero xoog leh uga helayo kooxda ololaha doorashada u qaabilsan Madaxweyne Farmaajo.

Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdirisaaq ayaa tartan u geli doona mid kamid ah kuraasta beeshiisu ay ku leedahay golaha shacabka Soomaaliya.

Sida ay ku warantay warbaahinta Puntland Post, Wasiir Maxamed Cabdirisaaq waxuu kooxda ololaha dib u soo noqoshada Madaxweyne Farmaajo wakiil uga yahay gobolka Mudug.

Wasiirkan ayaa hoggaamin doona qorshe xildhibaanada gobolkaas ka soo gelaya baarlamaanka Soomaaliya loogu soo saarayo xubno taabacsan Madaxweyne Farmaajo, sida ay daaha ka qaadeyso xogtaan.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq oo ka mid ah siyaasiyiinta sida aadka ah ugu dhaw madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Farmaajo ayaa dhowr jeer oo hore Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey u gudbiyey dacwado ka dhan ah madaxda dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland.

Ugu yaraan seddax jeer ayaa la sheegaa in Wasiir Maxamed Cabdirisaaq uu golaha ammaanka QM hor-geeyey dacwado ka dhan ah madaxda Puntland iyo Jubbaland, intii uu taagnaa khilaafkii doorashada Soomaaliya, madaama ay aad uga soo hor jeesteen damacii Farmaajo ee mudo kororsiga ahaa.

Maalin ka hor wasiirkaan oo gaaray magaalada Gaalkacyo ayaa kulamo la qaatay Isimada beeshiisa oo degta waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Loolan adag ayey kooxda ololaha Farmaajo kala kulmi doontaa inay saameyn ku yeelato xildhibaanada baarlamaanka federaalka ee laga soo dooranayo Puntland, maadaama hoggaamiyaha maamulkaas ay aad siyaasadda isugu hayaan Farmaajo.